Search

Shacabka Masaarida Oo Dhegta U Taagaya Sharci Lala Tiigsanayo Fanaanad Caan Ah Oo Kaftan Ay Tidhi Lagu Maxkamadaynayo

Fannaanad caan ah oo u dhalatay dalka Masar ayaa wajaheysa Dacwad la xidhiidha in ay ka dhawaajisay hadal aan laga fiirsan oo saameyn badan ku yeeshay nolosheeda kaasi oo dad badan oo Masaari ahi aad u hadal hayaan dhegtana u taagayaan sharciga la marsiin doono ama sida loola dhaqmi doono kadib markii xukuumadda dalkaasi sheegtay in sharciga la marinayo fannaanaddaasi oo caan ah dalalka carabtana aad looga yaqaano.
Sherine Cabdel Wahab, oo kamid ah Fanaaniinta Caanka ah ee dalka Masar ayaa laga gudbiyay dacwadda ka dhan ah in ay sheegtay in Biyaha Wabiga Niil qofkii cabaa uu xanuunsanayo taasi oo aan la ogayn ujeedada ay ka lahayd halka sidoo kale hadalkaasi ay aad uga cadhoodeen dalka Itoobiya oo uu ka yimaaddo ama ka soo farcamo webiga Niilka buluugga ahi kaasi oo ah kii ay fanaanaddu u jeedday. Fanaanada ayaa xili ay taagnaydd Masrax ay bandhig ku qabaneysay ayaa taageerayaasheedu ka dalbadeen in ay qaaddo Hees la yidhaahdo maka soo cabtay biyaha Niilka ee Masar.
Sherine Cabdel Wahab ayaa durba ku jawaabtay haddii aan cabo biyaha wabiga Niil waxaan ka qaadayaa xanuunka kaadi dhiiga, taa oo dad badan ka cadhaysiisay keentayna in dacwad lagu soo oogo fannaanadda oo iyana sheegtay in aanay sharraxayn ama sharraxaad ka bixinayn in ay fasirto ujeedada ay ka lahayd hadalkaasi oo ka cadhaysiiyey malaayiin iyo malaayiin qof oo masaari ah oo masaakiin ah oo inta badan ku nool webiga Niilka.
Urur ay ku mideesan yihiin Fanaaniinta dalka Masar ayaa fanaanadan ka joojiyay in ay ka heesto Masraxyada dalkaasi, waxayna ku eedeeyeen fananaddan in ay ku jees jeestay Masarta Qaaliga ah sida ay ku eedeeyeen.
Fanaanada Shiiriin ayaa markii dambe sheegtay in ay raali galin ka bixineyso Kaftankii doqonniimada ahaa ee ay ka dhawaajisay sida ay hadalka u dhigtay, waxayna dhamaan shacabka Masar ka raali galisay kaftankii xanuunka keenay ee ka dhawaajisay iyadoona sheegtay in ay Jeceshahay Masar iyo dadkeeda wax xumaan ahna aanay cidna ugala jeedin.
Dad badan ayaa aaminsan in Shiiriin ay u jeedday dalka Itoobiya oo ay si gaar ah u duraysay balse dhinaca kale Masaarida badankeedu ka cabta webiga niilka ayaa u qaatay in ay iyaga ku xaqirayso.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *