BREAKING NEWS
Search

Sh. Shariif Oo La Sheegay In Uu Badhi Taarayo Shirka Taleex Iyo Dadaalo Ka Dhan Jiritaanka Somaliland

Muqdisho (Foore)- Qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa shalay faafiyay warar sheegaya in hogaamiyaha xukuumadda taagta daran ee Villa Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed uu ka mid yahay koox dabada ka wada shirka ka socda degmada Taleex ee gobolka Sool oo lagu mijo xaabinayo jiritaanka Somaliland sidoo kalena si badheedh ah shaaca uga qaaday in uu taageero buuxda la barbar taagan yahay kooxda dibad wareega ah ee ku hadaaqda magaca Awdal State.

Idaacadaha Muqdisho ayaa shalay baahiyay war kooban oo tilmaan ka bixinaya in madaxweynaha xukuumadda Villa Soomaaliya Sh. Shariif warqad taageero ah u diray waftiga ka qayb galaya shirka Taleex isaga oo ku guubaabiyay in ay dhidibada u taagaan maamul goboleed hoos yimaad wax uu ku tilmaamay xukuumadda fedaraalka Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho, soona dhawayn doono wax kasta oo taageeraya aragtida dawlad goboleed Taleex ka dhalata oo maamulkiisa hoos timaad.

Sh. Shariif Sh. Axmed, hogaamiyaha xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ayaa habeen hore qasriga Villa Soomaaliya ee uu Xamar ka degan yahay waxa uu ku qaabilay koox sheegatay in ay yihiin masuuliyiinta Awdal State oo ay ku sheegeen in ay matalaan gobolada Awdal, Salal iyo Gabiley oo ay ku tilmaameen is maamul gaar ah oo himiladiisu tahay Midnimo Soomaaliyeed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *