Search

Sh. Aadan Siiro Oo Madaxweynaha Ku Boorriyey In Uu Tallaabo Ka Qaado Dhibkii Soo Gaadhay Qoyska Mujaahid Axmed Awoowo

Hargaysa (Foore)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mida Culimada waaweyn ee qaranka Somaliland ayaa ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Hargaysa ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca, waxaanu u soo jeediyay madaxwaynha inuu wax ka qabto arintaasi sida ugu dhakhso bandanna tallaabo uga qaado isaga oo u dcueeyey sheekhu inta dhaawaca u jiifta.
Sidoo kale waxa uu Sheekh Aadan siiro waxa uu u duceeyay Guddoomiyaha Mxkamada sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali oo uu tilmaamay inuu ka soo baxay shaqadii madaxwaynuhu u igmaday.
Sheekh Aadan Siiro oo inta badan ka hadla arrimaha taagan iyo kolba xaaladda dalku halka ay marayso khudbaddiisa Salaadda Jimce ee Masaajidka Xawaadlena aad loo soo buux dhaafiyo ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka soo noqnoqda ee dilalka iyo khilaafka dhulka ah isaga oo si weyn u cambaareeyey falkii ciidamada SPU du ku galalafeen Guriga Mujaahid Axmed Jabaan iyo ubadkiisa qaarna la laayey qaarna la dhaawacay isaga oo arrinkaasi Madaxweynaha ugu baaqay in uu degdeg xal uga keeno.
“Taladii dalkeenu maanta waxa ay noqotay in ay gacanta u gasho in badan oo ka mid ah oo ah intii umadda ugu hadalka badnayd ugu beenta badnayd. Halkii dilalkii dhacay laga xallin lahaa ee laga qaadi lahaa wixii ay diintu ka tidhi ee wax laga qaban lahaa ayaad arkaysaa intaasoo qof oo ka baayac mushtaraynaysa. Waa nasiib darro weyn oo qarankan haysata. Dhiiggii umadda oo mid waliba wax ku darsanayo. Aafooyinka ugu waaweyn ee maanta qarankeena haysta waxa ka mid ah aafada Carrabka. Halkii carrabka khayr loogu adeegi lahaa ayaa shar loogu baratamayaa” ayuu yidhi sheekh Aadan Siiro. Sheekha ayaa ku baaqay in degdeg wax looga qabto dilalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *