BREAKING NEWS
Search

Saylada Xoolaha Hargeysa Oo Shalay Si Rasmi Ah Xoolaha Loogu Kala Iibsanayay Lacagta Dollar-Ka

Hargeysa, Sept 14, 2017 (Foore)– Qiimaha Sarifka Boqolka Dollar ayaa maalmihii u dambeeyay ku sii siqaya Laba Milyan Oo Shilinka Somaliland ah,Waxaanay arintaasi abuurtay in Meelo badan oo suuqyada Hargeysa ah la iska joojiyo Isticmaalka Shiling-Ka Somaliland kadib Qiime dhacihii ugu cuslaa abid oo ku dhacay,waxa gabi ahaanba Goobihii ugu mihiimsanaa ee ka mid ka ahaa suuqyada Hargeysa aadka wax loogu kala iibsado laga soo sheegayaa in la iska joojiyay Isicmaalka Lacagta Shilinka Somaliland oo badelkeediina laga dhigtay Lacagta Dollarka.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay Xalay ayaa daaha ka rogay in Saylada Xoolaha ugu wayn ee Magaaladda Hargeysa gabi ahaanba ay dadka Xoolaha iibinayaa Ganafka ku dhufteen inay Xoolahooda ku iibiyaan lacagta Shilinka Somaliland kadib qiimo dhacii ugu cuslaa oo ku dhacay Lacagta Shilinka Somaliland,Waxaana shalay si wayn Suuqyadda Hargeysa looga hadal Hayay Qiima Dhaca ku yimid lacagta shilinka Somaliland oo halkii ugu xumayd maraysa,waxaana sidoo kale xidhmay oo albaabada ooda loo saaray meherado badan kuwaasi oo kuyaala Farasmagaalaha Hargeysa kadib markii uu saamayn ku yeeshay Doolar qaaliyawga halkii ugu darnayd ka maraya Magaalooyinka Somaliland.
Sidoo kale Doolar Qaaliyawga ayaa saamayn ku yeeshay Nolosha Dadka Shacabka ah eek u dhaqan Gayiga Somaliland gaar ahaan dadka Magaalooyinka Waa weyn ku nool,waxaana si weyn arintaasi looga dareemayaa Suuqyada wax lagu kala Gato gaar ahaan suuqyadda Khudaarta iyo Raashinka oo ah quutal daruuriga, oo iyagana uu sixir bararka ama Doolar qaaliyawgu saamayn ku yeeshay,Waxa si weyn dadka Shacabka ah looga dareemayaa Wal wal culus oo ku saabsan Sixir bararka Xadhkaha Goostay iyo Lacagtii shilinka Somaliland oo aan suuqyada Hargeysa waxba ka gooynin islamarkaana baaba’day,waxa ay arintani si gaar ah u taabanaysaa dadka ku adeegta lacagta Shilinka Somaliland oo wal wal gaar ah oo xagga nolosha ahi soo food saaray.
Xukuumaddii arintani wax ka qaban lahayd ayaa aamus door bidday,waxaana laga cabsi qabaa in doolar qaaliyawgu galaafto nolosha danyar badan oo magaalooyinka Somaliland ku dhaqan oo markii horeba la ildarnaa ama la raafadayay nolol maalmeedkooda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *