BREAKING NEWS
Search

Saxaafadda iyo Af-Suuqdiga – Qalinka: Cali Cabdi Coomay

Dhawaan ayaan ku arkay mid ka mid ah wargaysyada Hargaysa isaga oo bogiisa hore ku soo xardhay luuqada xambaarsan af-suuqdiga ay dhallinyaradu ku hadasho. Wargaysku wuxuu bulshada Soomaalilaan doonayey in ay warkiisa wada fahmaan, hasayeeshee muu daransanayn in Af-suuqdigu yahay af u gaar ah dad gaar ah. Taasi ayaa igu dhalisay in aan qoraalkan sameeyo. Bal marka hore si guud u dulmaro shaqada suxufiga. Suxufiga waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof u dhexeeya, arrimaha ka dhacaya deegaanka uu ka soo warramayo.
Dadku way kuu siman yihiin. Maaha inaad dadka qaarna soo dhawayso, qaarna aad fogayso.Maaha kaalinta weriyuhu inuu kala xukumo sax iyo khaladka, runta iyo beenta wixii la kala sheegto, ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inuu waan waan ka dhexdhaliyo dhincayada is haya.Waxa kaliya eed meesha u joogtaa inaad sheegto aragtida labada dhinac, iyo wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira. (Current Issues). Si weyn isaga hubi waxaad tabinaysid, inay yihiin fikradda labada dhinac. Taasina waa tiirarka waaweyn ee saxaafadda iyo suxufiga.
Erayada Af-Suuqdiga Ah
Bal ka warran erayadan, haddii aad ku dartid war ama warbixin: Tuushka ayuu cararayaa, horuu u soo fadhiyaa, Qardhaas u xidh, Casaan baa saaraan, Riyahaa toosiya, Warkaagu shaaha ka madow, Gor-gor baa saaran, Injection-kaad badsatay, Buul buu dhisay, Toosh buu daba qaatay, Liidkuu raacayaa, Waa laga habaystay, Haygaga shuban, Qoosh buu garaacayaa, Fadlan kor u hay, Buul buu iga daba raray, lugtuu aastay,Waa loo raran yahay, Shahaadadaa loo dalbay, Baddaa ku kacsan, Maskaxduu furtay, Yaasiinkaa dhaafay, luuq buu ku jiraa IWM.
Dhammaan erayadaasi waa qaar u gaar ah dhallinyarada. Way adag tahay inay fahmaan dadka waaweyni. Markaa waa arrin aan bannaanayn in la adeegsado, maadaamo aanay bulshadi wada fahmayn.
Erayada iyo Isticmaalkooda
Luuqada aynu doonayno inaan ku hadallo, waa hadba ta uu dadka lala hadlayaa yaqaan, ha noqoto mid shisheeye ama afka Soomaaliga. Weriye kasta waxa khasab ku ah inuu yaqaan, dadka uu wax u sheegayo.  Intaasi ka dib wuxu ka fikiri karaa inuu kula hadlo luuqada ay fahmi karaan iyo isticmaalka erayada ku jira. Iska dhawr erayada laba micnood leh ama wax ka badan.
Waxa kale oo aad maanka ku haysaa kuwa si kala duwan looga yaqaan deegaanada kala duwan. Markaad diyaarinaysid warbixin ka hadlaysa xaalad meel ka jirta, waa inaad isticmaashaa luuqada dadka caadiga ahi ku hadlaan, markay sheekaysanayaan ama sidii adigoo saaxiibkaa la sheekaysanaya oo kale. Haddii aad isticmaasho luuqada ama erayada ay adeegsadaan suugaanyahannadu cidda ku fahmaysaa waa dadka suugaanta ku dhexjira oo keliya, keligaa ha aaminin in waxaad sheegayso la wada fahmayo. Laakiin u kuurgal oo la sheekayso dadka bal inay wax dhaliil ah kuu sheegaan, si aad u saxdo.
Af-Guri
Af-gurigu waa erayada laga isticmaalo kolba deegaanka aad joogto, oo aanay kula fahmayn deegaanada kale. Iska hubi in dadka oo dhami kula fahmayo erayada af-guriga ah. Tusaale ahaan, erayga Beedka, reer Soomaalilaan waxa ay u yaqaannaan beed, Soomaliya waa ukun, reer Jabuuti waa naalo. Markaa eraygaa isticmaalkiisu wuxuu ku xidhan yahay kolba meesha aad joogto ee dadkaasi kula fahmayaan.
“Af-gurigu ma xuma haddii dadka deegaankaasi kula fahmayo”
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *