Sawirro Muujinaya Messi Oo Ilmo Dhiig Leh Ooyaya Ayaa La Sheegay In ISIS Hanjabaad Ugu Soo Dirtay Taageerayaasha Koobka Adduunka Ee Sanadka Dambe Lagu Qabanayo Ruushka

Kooxda Daacish ee isku magacawda Khilaafada Islaamiga ah ee qarnigan ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa bilowday in ay cabsi galiyaan taageerayaasha kubada cagta ee doonaya in ay u safraan dalka Ruushka kuwaasi oo ka qayb gali doona koobka kubadda cagta adduunka ee sannadka dambe xagaagiisa lagu qaban doono waddanka Ruushka taasi oo keentay in taageerayaal badan ay durba cabsi xooggani soo wajahdo inkasta oo kalsooni badan ay ka muujinayaan awoodda ciidamada amniga Ruushku u leeyihiin dadaalo ay kaga hor tagi karaan weeraro argagixiso oo lagu bartilmaameedsado taageerayaasha daafaha adduunka isaga kala imanaya.
Koobka Adduunka ayaa lagu wadaa in badhtamaha sannadka soo socda ee 2018-ka lagu qabto dalka Ruushka, waxaana daawashada koobkaasi isku diyaarinaya taageerayaal aad u badan oo isaga kala iman doona in ka badan 31 dawladood oo caalamka ah.
Kooxda Daacish ayaa hadda bilowday in ay cabsi galiyaan dadka doonaya in ay daawadaan koobka adduunka ee Garoomada Ruushka lagu qaban doono, waxaanay kooxdani cabsi galinta u adeegsanayaan Sawirka Ciyaaryahanka Caanka ah ee Lionel Messi taasi oo noqotay arrinta loogu hadal hayn badan yahay baraha xidhiidhka bulshada iyo guud ahaan warbaahinta kaleba iyada oo aan la ogayn sababta ay u qaateen in ay astaan hanjabaad ah uga dhigtaan sawirka Messi.
Sawirkan Cabsi galinta ah ayaa waxaa ka muuqda Sawirka Messi oo ay indhihiisa ka socoto ilmo dhiig lihi kaasi oo ilmadaasi dhiigga ah ooyaya sidoo kalana u muuqda mid maxbuus ah oo xabsi ku dhex jira, waxayna sidoo kale fariin cabsi galin ah Daacish u dirtay dadka doonaya in ay daawadaan koobkaasi Adduunka.\

Fariinta ugu culus ee loo diray taageerayaasha kubadda cagta ayaa loo qoray sidan: “Waxaan ku dhaaranayaa in dabka mujaahidiintu uu idin gubi doono, kaliya suga” waxaana qoraalkaas lasoo raaciyay sawir shaqsi ay ugu yeedheen Jihaadiiste taagan meel u dhaw garoon kubadda cagta ah.
Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah Warbaahinta ayaa lagu baahiyay sawiradan lagu cabsi galinayo dadka doonaya in Ruushka kusoo daawadaan Ciyaaraha koobka Adduunka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *