Search

Saraakiil Dawladdeed iyo Suxufi Shil Baabuur Ku Geeriyooday+Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray.

Hargeysa(Foore) – Wariye Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ka tirsanaa telefishanka Horn Cable,Wali Daa’uud Cigaal oo ahaa sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo Muuse Cali Haybe oo ahaa ilaalada wasiirka maaliyadda ayaa shil gaadhi ugu geeriyooday jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.
Shilka ayaa la sheegay inay sababtay gaadhi booyad ah oo dul maray gaadhiga ay saarnaayeen saddexda qof ee geeriyooday.
“Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u diray Ehelada Marxuumiinta Geeriyooday Waxaana lagu yidhi Qoraal Madaxweynuhu soo saaray:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen
1. Marxuum Weli Daauud Cigaal (masuul sare oo ka tursanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)
2. Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo
3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi, gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumiintaasi inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Sidoo kalena maamulka Shabakadda Ramaas waxa uu tacsi u dirayaa Ehelada Saddexdaasi Marxuum oo uu Illaahay uga baryayo Inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo Ehelka,Asxaabta iyo Bulshada Somaliland ee ay ka baxeenna Samir iyo Imaan saadiq ah ka siiyo, bedel khayr qabana halkay ka baxeen u galiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *