Sanduuqa SDF Oo Ka Mid ah meelaha U Baahan Inay Xukuumadda Cusubi Toosh Ku Ifiso Iyo Warar sheegaya In Xayiraad La Saaray Lacagaha Kaydka Ugu Jira

Hargeysa, Dec 11, 2017 (Foore)- iyadoo wali lagu guda jiro xil wareejintii labada Madaxweyne oo ay maalin uuni inaga xigto ayaa waxa soo shaac baxaya talaabooyin hor dhac ah oo ka soo yeedhaya Hay’addihii ugu shishlaa qaranka ee ay lacagta buurani taalay oo si gaar ah loo illaalinayo, waxaanay Warark sheegayaan in Sanduuqa SDF ee Mashaariica Caalamiga ahi ku soo dhacdaa uu ka mid yahay meelaha sida gaar ah isha loogu hayo ee laga shaki qabo in Musuq Maasuq Baahsani ka dhacay.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in lacagtii kaydka ahayd ee kujirtay Sanduuqa Horumarinta Qaranka Somaliland ee SDF Xayiraad la saaray kadib maalintii ay Doorashada madaxtooyaddu dalka ka qabsoontay,waxaanay wararku sheegayaan in Amarka Xayiraada ahi ka mid ahaa kuwii lagu hakiyay Akawnadii gaar ahaa ee Wasaaraddaha ama Hay’addaha Dawladda ee lagaga xayiray inay isticmaalaan lacagta Akawnada ugu jirtay wakhtig lagu jiro Kala Wareegga,waxaanay wararku sheegayaan in Sanduuqani ka mid yahay meelaha sida gaar ah isha loogu hayo ee laga shaki qabo in musuq maasuq baahsani ka dhacay maadaama oo ay isasoo tarayaan wararka iyo xogaha ku saabsan Hanti boobka aan loo meel dayin ee ka dhacay dalka saddexdii sanno ee udambeeyay.
Tan iyo maalintii la aasaasay Sanduuqa Horumarinta Qaranka Somaliland ee SDF waxaa isasoo tarayay qaylo dhaan xoogleh oo ka soo yeedhaysa bulshada gaar ahaan qaabka sanduuqaasi ay dawladu umaamushay,waxaana si weyn looga biyo diidsanaa Maamulka iyo shaqaale hoosaadka Sanduuqaasi oo ah shabakad isku xidhan oo si gaar ah isku shaqaalaysiiyay,waana goobaha u baahan in Xukuumaddda Cusubi Toosh ku ifiso islamarkaana ay wax badan ka ogaato qaabka loo maamulay sanduuqaasi iyo mashaariica uu fuliyo iyo waliba Xisaab xidhkooda.
Sanduuqan ayaa waxa la aasaasay 2011-kii Waxaana taageero dhaqaale ka geysta Bilawgiiba Hay’addo iyo dawladdo ka mid ah qaadhaan bixiyeyaasha Caalamka, sida UKAID, DANIDA, Norwegian Embassy International Development Cooperation iyo Kingdom of Netherlands, Waana Sanduuq u baahan in si taxadir leh oo adag loo ilaaliyo si aan loo musuq maasuqin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *