Saleebaan Xaglo Toosiye oo ku dooday inuu dhammaaday dagaalkii deegaamada Sool iyo Buuhoodle

Hargeysa (Foorenews)- Ardayda wax ka barta jaamacadaha Hargaysa ee ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Buuhoodle, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin go’aankii bada ku baaqayay ee uu Somaliland la qaatay hogaamiyihii kooxdii SSC Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye).

 

Sidaasina waxa ay ardaydaasi ku sheegeen kulan ay xalay Hargeysa ugu qabteen Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) kaasi oo lagu qabtay Huteelka Scandinavian ee magaalada Hargeysa. kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyey ururka ay ku midoobeen ardayda dhigata jaamacadaha Hargaysa ee ka soo jeeda deegaamada Sool iyo Buuhoodle oo magaciisa la yidhaahdo (Eastern Youth Organisation).

Waxa kale oo kulankaasi ka soo qeyb galay La taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha dhalinyarada Cabdi Najax Siyaad, gudoomiyaha dalada Sonyo, Axmed Maxmed Waceys, gudoomiyaha ururka ay ku midoobeen ardayda ka soo jeeda Sool iyo Buuhoodle C/risaaq Muuse,Xogyaha Ururkaasi Cali Hure Cali iyo Xubno katirsan ururkaasi (EYO).

 

Hogaamiyihii ururka SSC Saleeban Ciise Axmed (xaglo-toosiye) oo kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa u mahad celiyey dhalinyaradii kulankaasi soo qaban qaabisay, waxaanu ku booriyey inay kala shaqeeyan nabada uu la qaatay xukuumada Somaliland. Isaga oo tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin xubinta ugu muhiimsan ee laf-dhabarta u ah bulshada lagagana qiyaas qaadan karo.

 

“waxaan u mahad celinayaa guud ahaan dhalinyada Somaliland gaar ahaana dhalinyarada wax ka barta jaamacada Hargaysa ee ka soo jeeda gobolada Buuhoodle iyo Sool (Eastern Youth Organisation), ee kulankan nagu soo martiqaadey. Dhalinyaradu waa xubinta ugu muhiimsan ee laf-dhabarta bulsho lagaga qiyaas qaato horumarka busho ama dowlad,hadii dhalinyarada wakhtigaasi joogta ay tahay mid dib u dhacsan waa rajo xumo.” Ayuu yidhi Md Xagla-toosiye.

Waxa kale oo uu Md Xagal toosiye xusay in auu hada bilaabmay waji cusub oo iftiimaya isla markaana si rasmi ah loo soo afjaray colaadii muddo deegaanadaasi ka jirtay, “waxa bilaabmey waji wanaagsan oo iftiimaya waxaana si rasmiya loo soo af jaray colaadihii ka taagnaa deegaanadasi waxaanan Ilaahay ka rajeynayaa inaanay goboladaasi xabad dambe ka dhicin oo dhiig dembe ku daadan waana dad ehela oo wada dhashay oo aan sinaba ku kala tageyn, Waxaan ku faraxsanahay inay dhalinyaro badan oo ka soo jeeda goboladasi coladahu ka jireen ay halkan wax ku baranayaan waanan idinku hambelyeynayaa”. Ayuu yidhi saleebaan Xagotoosiye

Saleeban Ciise Axmed (xaglo-toosiye), guddoomiyihii jabhadii SSC ayaa madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo uga mahad naqay talaabada uu qaatay ee k u aadan nabdaynta Sool iyo Buuhoodle, taasi oo uu ku tilmaamay mid geesinimo leh isla markaana keeni karta horumar, waxaanu yidhi “waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay oo keeni kara horumar lataban karo iyo cidkasta oo ka qeyb-qaadatey barnaamijkaasi nabada”.


Xaglo Toosiye wuxuu intaasi ku daray in ciidamadii Somaliland laga soo dul qaadayo aagagii hore ee ay fadhiyeen isla markaana la sii daayay maxaabiistii Sool iyo Buuhoodle ay ciidanka qaranku ugu soo qabteen dagaaladii ka dhacay.


Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *