Salaan Iyo Duco Ku Socota Abwaan Prof Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

 

Qalinka: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” waa barahaygii Suugaanta ee Jaamacadda Hargeysa. Waa aqoonyahan Culuumta Sayniska ka bartay Jaamacadda Lafoole, waa ninkii ugu da’da yaraa guddidii guud ee loo saaray Qoraalka Afka Soomaaliga. Waxa uu badhtamihii sanadkan 2011-ka ku xanuunsaday magaalada Hargeysa, waxaana loo qaaday Norway halkaas oo lagu daweynayo. Gaarriye waa hal-abuur leh  hibo abwaannimo oo heersare ah, oo uu caan ku yahay. Maansooyinkiisana laga yaqaanno geyiga Afka Soomaaligu baadi-soocda u yahay oo idil.

 

Waxa ii suurtogashay in aan helo taleefankiisa gacanta oo u i siiyay C/Shakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo ah suxufi iyo qoraa ka tirsan mareegta oodweynenews.com, oo aan ka dibna salaan qaayo leh u gudbiyo isaga oo jooga Norway. Abwaan Gaarriye waxa uu ii sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay hadda, isla markaana uu rejaynayo in aanu kulanno annaga oo nabadqabna haddii Alle idmo. Intaas waxa uu ku daray in ay dhallinyaradu aad uga warhaysay muddadii uu xanuunsaday, intii uu Hargeysa joogay iyo inta uu Norway tegay labadaba. Waxa aan u gudbiyay duco iyo salaan mug leh. Eeggana waxaan doorbiday in aan duco iyo dhambaal guud saxaafadda u mariyo Prof Gaarriye, si ay bulshadu ducada uga qayb qaadato.

 

Si gaar ah ayuu xasuustayda ugu yaallaa, cilmi badan ayuu si hagar la’aan ah noogu dhigay, aqoon badan ayaan ka faa’iiday. Welibana aniga oo ah macallin sayniska ka dhiga dugsiyada sare, gaar ahaan Dugsiyada Nuuradiin iyo Gacan-libaax oo ku yaalla Hargeysa, waxa aan kaga daydaa falal badan oo ah habka wax-dhigista. Sanadkii 2009-ka, bishii 3aad ayaan Gaarriye u dhiibay buug aan qoray oo magaciisa la yidhaahdo CULUUMTA MAANSADA, oo ka warramaya afka Soomaaliga, qaybaha suugaanta, qeexidda iyo shardiyada maansada, hummaagaynta maansada, maansada iyo doorka ay taariikhda kaga jirto, ujeeddooyinka maansada loo allifo, maansada iyo dareennada, miisaanka maansada, badaha maansada heesaha iyo badaha ay galaan iyo mawduucyo kale oo faahfaahinaya aqoonta guud ee Suugaanta Soomaalida. Si heersare ah ayuu u soo dhaweeyay, una bogaadiyay hawsha aan qabtay. Guubaabo badan oo tamar ah ayuu i siiyay. Dardaaran baaxad leh ayuu  ii sheegay. Waan weeleeyay waanadiisa ku saabsan nolosha iyo tayaynta buuggaba.

 

Habeen habeennada ka mid ah ayuu iga soo qaaday Jaamacadda Hargeysa, gaadhigiisa ayaanu soo wada raacnay aniga iyo isaga oo qudhi, waxa uu igu yidhi “adeer kelmadda xaqa ah weligaa ha la aamusin”. Waxa uu ka warramay kelmado badan oo xaq ah oo uu yidhi, oo dadka qaar kula colloobeen sida maansadiisa ergo, iyo xog-warranka ergadii ay ka galeen khilaaf u dhexeeyay mucaaridka iyo muxaafidku sannadkii 2007-da, markaas oo ay isaga iyo Abwaan Hadraawi si cad u tilmaameen in cidda diidday uu yahay Madaxweynihii Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, halka ay qaar badan oo ka mid ah ergadu ka aamustay sheegista runta.

 

Abwaan Gaarriye waxa aan ka codsaday in uu kelmad ka soo yidhaahdo buugga aan qoray ee CULUUMTA MAANSADA, waanu aqbalay, markii uu akhriyayna waxa uu ka soo yidhi kelmaddan Markaan akhriyey buuggan la magac baxay “CULUUMTA MAANSADA” oo uu qoray qoraa da’yar oo la yidhaa “Siciid Maxamuud Gahayr” oo aan odhan karo waxa uu mudan yahay in lagu daydo, oo uu misaal fiican u yahay dhammaan dhallinta afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaan xerta suugaanta.

 

Mar kale waxaan odhan karaa waxa uu gutay qayb ka mida xil ka saarnaa afkiisa hooyo iyo suugaanta Soomaaliyeedba. Waayo,  waddan waliba waxa uu ku tamariyaa ama ku jabaa hadba siday dhallintu uga shaqayso afkooda, dhaqankooda iyo waliba diintooda.

Waxaad ka arkaysaa baydadkan soo socda in dhallintu tahay laf-dhabarta ummadda:

“Hadduu geed engago xaabadaa, laga idlaystaaye

Dadkana odaygu goortuu ka tago, iyo islaantiisu

Ubadkooda hadha baa tabcoo, aayatiin hela e” (Xaaji Af-Qallooc)

 

Haddaba haddaan u soo noqdo buugga iyo waxa ku duugan

Horta buuggan Culuumta Maansada waxa uu xanbaarsan yahay qaybo badan oo muhiim ku ah suugaaanta Soomaalida oo mug balaadhan una qalma magaca uu sito buuggani.

Markaa waxaan ku baraarujinayaa bulshada guud ahaan, gaar ahaana da’yarta inay akhriyaan buuggan, iyana ay gutaan waajibka ka saaran afkooda iyo suugaantooda xiisaha badan.

 

Waxaan kusoo koobayaa hadalka in uu jiro qoraa da’yar oo keenay ama ururiyey wax mudan kudayasho .Wa salaamu calaykum”. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Hal-abuur  weyn, Mufakar Cilmi-baadhe ah, Bare Sare (Professor) Saynis iyo Suugaaneed, Daahfuraha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed.

 

Waxa buuggan insha Allah dhawaan lagu daabacayaa dalka Sweden, waxaana hawshiisa dusha u ritay Yuusuf Sheekh Cabdillaahi oo ah qoraa deggen dalka Sweden, waxaana daabacaya Yuusuf Sheekh Cabdillaahi oo ah qoraa caan ah oo deggen Sweden, Alle ha ka abaal-mariyo’e. Hal-doorka kale ee buuggan faallada ka bixiyay waxa ka mid ah: Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad), Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Qoraa Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir), Abwaan Muxumed Cali Aw Jaamac (Masmas) iyo kuwo kale.

 

Ugu dambayn waxa aan qormadan dareen-waddaagga iyo laab-qaboojinta ah ku af-xidhayaa duco mug leh oo aan u tebinayo Macallinkayga, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxa aan leeyahay “Macallin cilmigaagi wuu na anfacay, Alle ha ku siiyo caafimaad ifka ah, aakhirana ha kaa hayo cadaabka, innaga oo nabadqabna ayaynu Haddii Guulluhu oggolaado isu iman doonnaa, markaas ayaynu wadaagi doonnaa wax badan oo ah talo, tusaale, tilmaan, aqoon iyo waayo-aragnimo aad hormood noogu tahay, annaguna aanu marti kaaga nahay”. Inta uu dhambaalkani gaadhana waxa aan ka codsanayaa in ay aammiin yidhaadaan, duco la mid ahna u duceeyaan Abwaan Gaarriye.

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *