Search

Salaadiinta Somaliland Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qorshaha Dhagaraysan ee Muqdisho Isla Markaana Duray Afhayeenimada Suldaan Xiirey

Hargeysa (Foore)- Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland oo isugu jira Salaadiin iyo boqoro ayaa deedafeeyay shirka Turkigu qorsheeyay ee ah in madaxdhaqameedka Somaliland metelaan Somaliland wada hadalna la galaan madaxda dhaqanka Somalia.
Madaxdhaqameedkan ayaa ka sakow deedafaynta shirka Turkiga waxay deedafeeyeen hadalkii ka soo yeedhay Suldaan Xiiray oo ku hadla afka dhaqanka Somaliland, balse waxay sheegeen inaanu afkooda ku hadli Karin, maadaama aanay jirin madal bahda dhaqanku iskugu timid oo ay afhayeen kaga dhigatay Suldaan Xiiray.
Suldaanka guud ee Subeer Awdal Suldaan Xasan, Suldaan Sabayse, Boqor Raabi iyo hogaan dhaqameedka kale oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhammaantoodba muujiyay in Turkigu ka dhan yahay qaddiyadda Somaliland, sidaasi darteedna aanay sinnayn Somaliland iyo Somalia.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Salaadiinta:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *