BREAKING NEWS
Search

Salaadiinta Beelaha Subeer-Awal Oo Faahfaahiyey Go’aan Ay Ka Soo Saareen Murankii Warshada Sibidhka Ee Berbera Iskana Difaaca Eedo Loo Jeediyey

Hargeysa (Foore) – Salaadiinta Beelaha Subeer-Awal ee Somaliland ayaa faahfaahin dheeeraad ah ka bixiyey Go’aan ay dhawaan ka soo saareen Muranka ka taagan dhismaha warshada Sibidhka ee Berbera.

 

Xubnahani Salaadiinta ah ayaa sidoo kalena dhinac iskaga duway Eedo loo soo jeediyey oo la xidhiidha go’aamo ay ka gaadheen khilaafka u dhexeeya kooxaha Ganacsatada ah ee Hunguriga ka jiro Maalgashiga Sibidhka Berbera.

 

Salaadiinta Subeer Awal waxa ay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqeen inay Go’aan kama dambays ah ka soo saaryo Murankaasi, iyaga oo arimahaasi kaga hadlay shirjaraa’id oo ay Maalintii shalay  ku qabteen Hotel Maan-soor ee magaalada Hargeysa.

 

Salaadiintan Shirka Jara’id qabtay oo ka koobnayad ilaa Toban Suldaan iyo Boqor ayaa waxay si kulul u naqdiyeen hadalo shalay warbaahinta ku soo baxay oo ay soo saareen xubnaha Gudiga Dan iyo duco oo ay wehelinayeen laba  ka mid ah  Sulaadiintii  hore wax uga go’aamiyey qodobadii ay Sulaadiinta beelaha Habar Awal ka soo saareen khilaalkii Mudada ka Aloosnaa Warshada Sibidhka ee Gobolka Saaxil.

 

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “shirkan jaraa’id waxa ay u jeedadiisu tahay in aannu jawaab kaga bixino koox aannu salaadiin u nahay oo ay ku jireen xildhibaanno iyo saddex suldaan oo salaadiinta subeer awal ku weeraray warbaahinta maalintii shalay ahayd , hadaba shacabka reer Somaliland Gudo iyo dibadba  layaab ayey ku noqotay hadalkaasi deelqafka ku aha Salaadiinta, maadaama salaadiintu dhaqankeena ka yihiin biri magaydo, Markaa ninka suldaankiisii weeraray dhaqan umaynaan lahayn, dulucda shirkayagani waxa weeye laba warsaxaafadeed oo shalay warbaahinta ku soo baxay oo salaadiinta lagu weeraray oo ay soo kala saareen guddida warshadda sibidhka berbera iyo kooxda kale ee saalaadiinta iyo xildhibaannada ah, wax jawaab ah ma mudna, labadaas warsaxaafadeedna waxa nooga baxay laba qodob oo qudha, qodobka koowaad waxa uu ahaa salaadiinta umaannu wakiiladan xallinta khilaafka iyo qodobka labaad oo ahaa kamaanu warqabin goorta madaxweynaha Somaliland salaadiinta u wakiishay go’aanka warshadda sibidhka”Ayuu yidhi Suldaanku.

Waxa uu intaasi raciyey “Labadaas qodob ayaa layaab nagu noqday, runtii xallinta khilaafaadka warshadda sibidhku marxalado badan ayey soo martay, ergo ballaadhan baana arrintaas u kacday, iyagoo sallaadiin ahaana noo yimi oo naga codsaday in aan salaadiinta laga maarmi Karin ee ay naga caawiyaan xallinta khilaafka warshadda sibidhka, Sidaan ayey salaadiintu ku gashay xallinta khilaafka warsahdda sibidhka, labada dhinac ee arrinta isku hayaba waannu u tagnay, markaa layaab bay nagu noqotay markii aanu maqalnay hadalka shalay guddida warshadda sibidhka Berbera ka soo baxay ee ay ku yidhaahdeen ergaba noomay iman, arrintaasina la yaab bay nagu noqotay.”Ayuu yidhi Suldaanku.

Markii aanu labada dhinac ba u tagnay waxa shuruud nagu xidhay kooxda warshadda sibidhka ee Berbera, iyadoo aanay kooxda saaxil Cement Factory aanay wax shuruud ah nagu xidhin, shuruudaasina waxay ahayd in hawshaa xallinteeda ay dawladdu gacanta ku hayso, hadaba guddida warshadda Berbera Cement Factory waxay u tageen Madaxweynaha oo ay u sheegeen inuu ka warhayo guddida salaadiinta ah ee khilaafka ku jirta, madaxweynuhu waxa uu ugu jawaabay, dalkeenu waxa uu ku caanno maalay wadatashi iyo hannaanka dhaqanka wax walba lagu xaliyo, wuxuuna ku yidhi, xallinta khilaafka warshadda bannaanka ula baxa oo soo dhamaysta iyadoo gudidii saladiinta ahina ka shaqaynayaan, ergadii isku xilqaantay xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera waxay u yimaadeen salaadiinta Subeer Awal, waxayna nagu yidhaahdeen, ‘hawshii warshadda sibidhka nagala wareega, kadib markii ay caqabad yar kala kulmeen guddida warshadda sibidka ee Berbera (Berbera Cement Factory), hawshaas markii aanu guddo galnay waxa guriga salaadiinta loogu yeedhay laba dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo, waxa soo horeeyey warshadda sibidhka Berbera oo Muuse Dalab hoggaaminayey, hawshii baannu ka waraysanay, waxa kale oo loo yeedhay guddida warshadda sibidhka ee Saaxil Cement Factory, iyaga dhinacooda xogwaraysi ayaa lala yeeshay.”

“ Markii hawshaasi dhammaatay, waxa salaadiintu galeen doodo iyo falanqayn dheer oo la xidhiidha xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera, kadibna waxa saladiintu soo saareen go’aan xal ah oo ay ka gaadheen xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera, go’aankaasina waxa uu ku soo ururayey in dalku u baahan yahay warshad sibidh oo lagaga kaaftoomo dhaqaalaha adag ee dalka kaga baxa la soo degida sibidhka, go’aankaasina kumaanan odhan cidaas ayaa la siiyey warshadda sibidhka, cid lama siin, waxaannu dawladda u jeedinay in labada warshadoodba loo baahan yahay, haday iyagu midoobayaana  iyaga u taal, Hadaba waxa layaab nagu noqotay warsaxaafadeedka shalay lagu soo weeraray saxaafadda ee lagu yidhi waxay ahaayeen fidmo abuur, annagu hadaaanu salaadiinta nahay fidno aanu dejino mooyaane fidno aannu abuuro ma jirto, eedaha iyo dhalliilaha shacabka aanu salaadiinta u nahayna dul qaada waanu leenahay.

Waxaanan ilaahay uga baryayaa in kooxdaasi aan lagu suntin kooxdii salaadiinta weerartay, waaanu uga ducaynaynaa oo sida shacabkayagu uga naxeen bannu uga ducaynaynaa, go’aanka aannu soo saarto oo ahaa mid xal, xukuumadduna go’aanka kama dambaysta iyadaa  leh, xukuumaddana waxaannu ku boorinaynaa inay go’aan degdeg ah ka gaadho oo weliba lagu wada qanco go’aanka dawladdu ka soo saarto warshadda sibidhka, shacabkana waxaan leeyahay meel halooga soo wada jeedsado nabadgelyada iyo maalgashiga dalka.”

Suldaan Xasan ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Guddida Dan iyo Duco ee lagu aasaasay shirkii Dubureed oo warsaxaafadeedka lanagu weeray ku jiray waxaan leeyahay anaga lanaguma khuukhin karo guddida dan iyo duco oo aniga iyo suldaan Kooshin waxannu nahay kuwii guddidaas dhalay ee ka shaqaynayey shirkii Dubereed.”Ayuu yidhi Suldaanka Guud ee Subeer Awal.

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Suldaan Cismaan Cali Kooshin oo ah suldaanka guud ee beelaha Ciise muuse , kaasoo tilmaamay in go’aanka salaadiintu soo saareen ahaa mid xal u ah guud ahaan dalka Somaliland, waxaanu taageeray hadalka Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan ka sheegay shirka jaraa’id.

 

Waxa suldaan Axmed Nuur Samaale tilmaamay in ganacsigu xor yahay, isla markaana go’aanka ay soo sareen oo ahaa mid ku salaysan in labada warshadood ee sibidhku mid waliba sideeda u shaqayso oo hawsheeda u wadato, isagoo xusay in dadka ka soo horjeeda go’aanka salaadiinta aan ujeedadooda la garanayn, balse lagu macnayn karo in aanay doonay in dalka uu ka hirgalo ganacsi aan xor ahayn.

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Boqor Xasan Maxamed Siciid oo sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay go’aan salliim ah ka soo saarto muranka warshadda sibidhka Berbera,magacyada Sulaadiinta go’aamda kaga soo saaray shirkoodaasi jaraa’id khilaafkii warshadda Sibidhka ee Berbera waxa ka mid ah.

 

Salaadiintii shirkaasi Jaraa;id ka qayb galay ayaa waxa ay kale ahaayeen  Sudlaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Ibraahin Sulub Nuur, Sudlaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Boqro Xasan Maxamd Siciid, Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahin (Tuulo), Suldaan Cismaan Suldaan Cali kooshin, Sudlaan Axmed Nuur Salaame, Sudlaan Islaamciil Aadan (Baxar),Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele, Suldaan Maxamuud Xandule.

 

Jawaabta Salaadiintani ayaa ka dambaysay ka dib markii Go’aan Dhex dhexaadin ah oo ay dhawaan ka soo saareen Muranka wersharada Sibidhka ee Berbera ay ka soo hor jeesteen Xubno Ganacsato Salaadiin iyo Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Gobollkaasi, kuwaasi oo Salaadiinta ku dhaliilay Go’aanka ay Gaadheen.


Foore/General Editor

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *