Search

Safarka Waftiga Wasiir Sacad Oo Ku Soo Beegmaya Wakhti Xafiiskii Somaliland Ee Kenya Xidhan Yahay

Wasiirka Oo Ka Hadlay Ujeedada Safarkooda

Hargeysa (Foore)- Xukumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda dagaallada dhawaanahan ka dhacayay magaalada Gaalkacayo ee u dhexeeya maamulada Soomaaliya ee Puntland iyo Galmudug, waxaanay ugu baaqday inay ilaaliyaan xasiloonida mandaqadda wada hadalna lagu dhammeeyo khilaafka jira.
Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland jeceshahay in mandaqadda bariga Africa lagu wada noolaado nabad isaga oo sheegay in dawladda Somaliland danaynayso in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha u dhexeeya maamulada Soomaaliya dhexdooda oo aanay xabaddu xal ahayn loona baahan yahay mar walba nabad gelyo maadaama mandaqaddan Geeska Afrika isku xidhan tahay, rabshad kasta oo ka dhacdaana dadka wada saamaynayso.
Wasiirka arrimaha dibadda oo ay weheliyaan guddoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali, wasiirka qorshaynta Cali Shoombe iyo wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa u ambabaxay Nairobi, halkaasi oo ay sheegeen inay ku leeyihiin balamo ay agaasintay qaramada midoobay. “Inagu ka Somaliland ahaan mar walba waxa aynu doonaynaa in mandaqaddan lagaga noolaado nabad gelyo. Dadkaasi walaalaha ah ee colaaddu dhex marayso waxaan ugu baaqaynaa in ay wadahadal ku dhammaystaan arrimahooda oo ay colaadda degdeg u joojiyaan” ayuu yidhi Mudane Sacad Cali Shire, isaga oo ujeedada safarkoodana ku sheegay sidan: “Ujeedada safarkayagu waxa weeyi in aan la kulano safaaradaha iyo hay’adaha aynu wada shaqaynta la leenahay. Waxa aanu awoodda saari doonaa sidii loo sii laban laabi lahaa dhinacyada horumarka. Waxa aanu ka faa’iidaysan doonaa jaaliyadda Somaliland in aanu la kulano oo aannu fursad u hello annaga oo ku dadaali doona in la dardar geliyo xafiiskeena Nayroobi oo awalba wuu jiree aanu doonayno in aanu dib boodhka uga jafno” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. Wararka aannu ka helayno caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa sheegaya in aanu muddoba wax hawl ah qaban oo uu hawlgab ahaa xafiiskii Somaliland ku lahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyada oo wararka qaar sheegayaan xataa in gurigii xafiiskaasi ku jiray dhawaan laga saaray kadib markii safaaradda Somaliland ee Nairobi lacago qaali ah dul dhigtay shirkaddii lahayd gurigaasi si Somaliland looga saaro, arrinkaasi oo keenay in xafiiskaasi ka baxo dhismihii uu ku jiray kadib markii lacagta ay ku jiraan lagu qaaliyeeyey.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *