Sadex Qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay duleedka Laascaanood

Laascaanood (foore)-Inta la hubo Sadex Qof ayaa ku dhintay Lix kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu maanta kula qalibmay gaadhi nooca xamuulka qaada Deegaanka Higlada oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Laascaanood.

Gaadhigan oo noociisa ahaa UD lambarkiisuna yahay 26206- oo ka yimi dhinaca Garoowe,isla markaana ku soo jeeday dhinaca Hargeysa ayaa ku qalimay Barqadii Deegaanka Higlada,kadib markii uu Taayir u baxay waxaana halkaasi ku Naf waayay Sadex Ruux oo mid ka mid ahi ahaa Dirawalkii Gaadhiga,iyadoo dhamaanba dadkii ku dhaawacmay shilkaasi lagu daweynayo Cisbitaalada Guud ee Magaalada Laascaanood iyo Manhal Hospital ee Magaalada Laas-canood.

Mas’uul u hadlay Cisbitaalka Manhal ee Magaalada Laas Caanood ayaa sheegay in Cisbitaalkooda la soo gaadhsiiyay Lix qof oo dhaawac ah kuwaas oo Sadex ka mid ahi ay xaaladoodu culus tahay waxaanu intaas ku daray in dhamaan dadka shilkan ku dhaawacmay ay ahaayeen Wadaadada Tabliiqiyiinta loo yaqaan isagoo ugu baaqay ehelada dadka dhaawaca ahi inay ugu iman karaan Cisbitaalka Manhal.
sidaa kalena waxaa Sadexdii ruux ee shilkan Baabuur ku geeryooday Lagu aasay Magaalada Laas-caanood




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *