Search

“Sacad Muuse Maaha Reer Uu Buur Madow Cid Aan Aqoonin Uu Barayo, Laakiin Waxan Ku Raacsanahay Siyaasadda Reerku Inay Tahay Ambad Oo Lagu Asqoobay”. Cali-guray

Hargaysa(Foore) – Gudoomiye Ku xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj Cali Yuusuf Maxamed (Cali-guray),ayaa ka hadlay hadal naxli ah iyo uurkutaalo Qabiil Xabaarsanaa oo uu Boqor Buurmadaw ku weerar Salaadiinta Beelaha Subeyr Awal,oo uu ku carriyay Beelaha Subeyr Awal inay ka dhabeeyaan Hanjabaada ay Xukuumadda u soo jeediyeen inay 24-saacadood ku soo dayso Suldaan Mawliid Cali Sabayse.
Muj Cali Guray,Qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,ayaa waxa uu sidoo kale saxid iyo sharaxaad dheer ka bixiyay Gabay uu Boqor Buurmadaw ku soo hal qabsaday hadalkiisa,waxa uu Muj Cali Guray isagoo arintaasi ka hadlay uu yidhi “Hadii Seben Jaahiligii loo noqdo “Sacad Muuse Geel Uma Fadhiyo Filana Maayaan Waxa Ka Dambeeyay Af La Nacayba Nuur Xaashi Baa Oodahaw Rogaye,Ha Aarsado Nin Raga Waan Jeclahay Inuu Adkaadaaye Iyo Salaan Carabay”.
Waxa kale oo uu yidhi “Garoo laduba waxay ka hadlayeen Geelii Indho Badane. Sida uu Buur madow u dhigayo gabayga Ina Nuur Fadal digasho iyo calaacal midna ma ahayn ee wuxu ahaa nin tolkii tirtir siiyay hadii maanta Buur madow cay ka dhigay isaga leh waaye balse Sacad Muuse maaha reer uu Buur madow cid aan aqoonin uu barayo, saa maba yaqaano eh. laakiin waxan ku raacsanahay siyaasadda reerku inay tahay ambad oo lagu asqoobay waayo kuwa ay daba socdeen welina daba socdaan waa kulmiye dhibaataduna malaha waa taasi ee hadii ay garan waayeen Cali Gurey iyo Jamaal Cali Xuseen raaca ma waxay garan waayeen xamarji iyo boobe raaca oo habar magaadleeya cid ka daba hadashaba ha waydo eh”. Ayaa uu ku soo koobay qoraal kooban oo uu ugu jawaabay Boqor Buur Madaw.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *