Sababihii Masar U Kala Kicisay Shirkii SODARRE Iyo Doorkii Itoobiya Ee Siyaasadda Kooxaha Soomaalida – Q:98aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 98aad

Dhinaca kale Soomaaliya iyo Masar waxay lahaan jireeen xidhiidh wanaagsan oo taariikhi ah masar waxay dadaal dheer u gashay sidii Soomaaliya ay xornimadeeeda u gaadhi lahayd waxay dhallinyarada Soomaaliya u furtay albaabada jaamacdaheeda oo dhan mid milatari iyo mid cilmiba, saamaynta ay dalka ku leedahay wuxuu ahaa mid taariikhi ah sidaas darteed Masar waxay walligeed jeclayd in aan Soomaaliya laga xigsan oo aanay ka bixin siyaasaddeeda sidaas awgeed Masar ma qaadan karto in siyaasadda Soomaaliya lagu maamulo oo aanay talo ku lahayn ay fusho, Masar waxay jeceshahay in Koonfurta Itoobiya ay ka jirto dawlad xoog leh oo Itoobiya culays ku hayn karta.
Markii Soomaliya burburtay waxaa is bedelay isu dheeli tirkii siyaasaded ee gobolka ka jiray, maxaa yeelay awooddii Soomaaliya ayaa meesha ka baxday, waxaase cabsi ku hayay xasilooni darradii Soomaaliya ka jirtay iyo ururada mintidiinta ah oo Soomaaliya ka dhashay, kuwaas oo dhibta ay Soomaaliya ku hayaan u xawili kara Itoobiya isla markaasna ka geysan kara dagaalka xorriyad doonka ah ee Soomali Galbeed.
Sidaa awgeed Itoobiya ayaa waxa ay rabtay in ay Soomaaliya dagto, balse aanay yeelan dawlad xoog leh oo aan halis ku ahayn danaheeda waliba ay u dheer tahay in ay iyadu amarka siiso, dhinaca kale sumcadii iyo xushmadii ay Masar ku lahayd Soomaaliya gebi ahaanba waa ay burburtay ka dib markii ay Masar dhex gashay, qaybna ka noqotay dagaalada soomaaliya ka dhex socda taasina waxa ay guul la taaban karo u noqotay dawladda Itoobiya waana saamaynta ay ku yeelatay dalka iyo in ay abaabusho shir ay isugu yimaadaan 90% siyaasiinta Soomaaliya kana soo saarto go’aano wax ku ool ah oo dariiq u furi karey dib u heshiisiin iyo dhismaha dawlad soomaaliyeed. Masar arrintaasi waxa ay ku noqotay mushkilad aanay filanayn dabadeed waxa ay awoodeeda oo dhan saartay sidii ay u fashilin lahayd shirkaas, arrintaasi waxa ay ila noqotay mid aan la yaabo, maskaxdaydana ka weuynaatay waxayna ii xaqiijisay in diblomaasiyada Itoobiya tahay mid aan qaangaaadh ahayn.
Markii la gaadhay go’aankii shirka Qaahira lagu aadi lahaa ayuu Maxamed Abshir noo sheegay in uu muddo gaaban gaadhayo dalka Sucuudiga, sidoo kale waxa uu Cali Mahdi noo sheegay in uu Qaahira ka hor meel gaadhayo oo muddo gaaban kaga soo noqon doono, warar aanan xaqiiqadeeda helin ayaa sheegaya in labadaasi oday shir kula yeehseen sirdoonka Masar dal saaxiib ah, wararku waxay intaasi ku dareen in balanqaadyo lacago iyo jagooyin lagu maamuusay, iyaguna dhinacooda Masar u balan qaadeen in shirka Masar abaabushay ee Qahira ka dhci doonaa ay gacan wayn ka geysan doonaan sidii uu ku qabsoomi lahaa kuna guulaysan lahaa, ragga intoodii kale waxay dib ugu soo noqdeen Adis Ababa, annaga iyo Itoobiyaanku waxa aanu ka doodnay arrintii waxayna ku adkeysteen taladoodii ahayd in aanu tagnio shirka Qaahira, subaxdii danbe baa dayuurad nala saaaray oo Qaahira nalaga dajiyay halkaasna waxaa nagu soo dhaweeyay saraakiil sar sare oo ka socday hay’adda nabad sugida Masar iyo arrimaha dibeda. Soo dhawaynta saraakiisha sirdoonku ma ahayn ujeedo la’aan oo waxay ii xaqiijisay warar aan hore u maqli jiray oo odhanayay in siyaasada Masar gacanta ugu jirto (Amniga Qowmiga).
Waxaa nala geeyay huteel wayn oo wabiga niika ku yaal, halkaasna waxaanu ugu tagnay Xuseen Caydiid iyo wufuud kale oo naga soo horeysay, dabadeed isla huteelkii baa shirka lagu furay, shirka waxaa hogaaminayay saraakiisha amniga oo nooma suuurtoobin in nala kulansiiyo saraakiiil ka tursan wasaaradda arrimaha dibeda oo aanu arrimaha qaarkood kala hadli lahayn, sidii hore loo sheegay si buuxda baa shirka looga soo qayb galay, dhinaca beesha daarood waxaa ka socday
Cabdilaahi Yuusuf Axmed
Aadan Cabdilahi Nuur Gabyow
Maxamed Abshir Muuse
Cumar Xaaji Masalle
Axmed Cumar Jees
Maxamed Xaaji Aaadan
Maxamuud Khaliif Shire
Inta kale oo isugu jirrtay Dir, Digil, Midhifle, iyo Hawiye waxay tiradiidu ahayd 19 Xubnood, dhawr maaalmood markii la wada hadlayay oo la is mari waayay, Runa ..La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *