BREAKING NEWS
Search

Saami Qaybsiga Shirkii SODARE, Boosaaso Oo Marti Galisay Qaban Qaabadiisii Iyo Doorkii Cabdilaahi Cabdilaahi Yuusuf – Q: 95aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 95aad

Intaas kadib wuxuu ii sheegay in ay Itoobiyaanku ii arkeen ninka kali ah ee Soomaalida isku keeni kara, siiba kooxaha kala duwan ee ka samaysmay koonfurta Soomaaliya, aragtida wasiirku soo jeediyay waxay iila muuqatay mid macquuul ah oo loo baahan yahay lagana fursan Karin waqti xaadirkan maadaama xaaladda ay Soomaaliya ku jirtaa ay ku habboon tahay, waxaanse garan waayay danta ay Itoobiya shirkaas ka lahayd, sidaas awgeed waxaan wasiirka weydiiyay maxsuulka laga filan karo in uu ka soo baxo shirka ay doonayaan in ay qabtaan, wuxuuse ii sheegay in danta laga leeyahay ay tahay in laga wada tashado sidii Soomaaliya dawalad loogu dhisi lahaa.
Markii aragtidayadii isku dhawaatay ayuu iga codsaday in uu taladooda gaadhsiiyo madax kooxeedyada reer Koonfureed kana dhaadhiciyo in gogosha Itoobiyaanku dhigeen laga soo qayb galo, codsigaas waan ka yeelay, dabadeed waxaan weydiiyay in ay hayaan magacyada shakhsiyaadka lagu martiqaadayo, taasna wuxuu igu yidhi in aanay hayn oo loo baahan yahay in aanu hadda wada samayno, sidaas waxaanu ku bilawnay in aanu wada qorno magacyada madaxda gobolada Waqooyi Barri, Gobalada Dhexe oo Muqdisho ku jirto, RRA, iyo kuwa Jubbaland.
Ragii la ii diray waan la wada hadlay waanan u bandhigay taladii ay itoobiyaanku ii soo jeediyeen, aniga oo waliba u muujiyay in danta weyn ee ku jirtaa ay tahay ka tashiga arrimaha dalkeena, isla markaasna ku adkaynaya in ay shirka ka soo qayb galaaan, kooxihii oo dhami way ogolaadeen Xuseen Caydiid mooyee, wanaan u sheegay itoobiyaanka in kooxiiii hogaankoodu oo dhami ogolaadeen marka laga reebo Xuseen Caydiid oo yidhi “Anigu Madaxweynaan Ahay’’ balse Itoobiya laga sugayo goobta iyo goorta uu shirku dhacayo, jawaabtii waqti badanba kumay qaadan oo degdeg bay dadkii u casuumeen kuwaas oo muddo gaaban Addis Ababa ku soo wada gaadhay, dabadeedna waxaa halkaas ka furmay shirkii lagu balansanaa.
Ergooyinka ka soo qayb galay waxay ka cabsi qabeen in Addis Ababa oo magaalo wayn ah sidoo kale ay degan yihiin diblomaasiyiin, wakiilada hay’adaha caalimiga ah, iyo warbaahinta adduunku ay saamayn ku yeeshaan habsami u socodka shirka, sidaas awgeedna ay haboon tahay in ay shirka ku qabsadaan meel Addis Ababa ka baxsan kana degan si ay sidoo kale si fiican oo waqti ku filani ku jiro ay uga baaraan degi karaan shirkooda ergooyinku isku heleen, ergooyinkii shirka iyo itoobiyaankiiba waxay isla afgarteen in madasha shirka loo badalo tuulada Sodere ee ku taal daanta webiga Hawaash, tuuladaas oo ah meel jawigeedu degen yahay oo ilo biyo kulul iyo huteelo leh oo loo tagi jiray nasasho, isla markaana ah meel xidhan halkaas baa shirkii nooga bilawday.
Meesha waxaa isugu yimid Soomaali keli ah iyo dhawr sargaal oo Itoobiyaan ah, badi dhinaca saadka iyo xidhiidhinta shirka dawladda Ethiopia ayaa naga taakulaynaysay, dooddii ka socotay siyaasiyiinta shirka ka soo qayb gashay hadba heer bay maraysay, waxaana loo wada hadlay si saraaxad leh, waxaa la isu dhaliilay si aanay naxariisi ku jirin, wax la isula hadhayna ma ay jirin, Cali Mahdi baa loo doortay guddoomiyaha shirka, gabagabadii shirka waxaa lagu heshiiyay in aan dawlad la dhisin, balse la sameeyo gole qaran oo qaban-qaabiya shirweyne loo dhan yahay, markii taladii la isla qaatay baa waxaa laga hadlay meeshii shirka lagu qaban lahaa.
….La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *