Search

Saacadda London Caanka Ku Tahay Ee Big Ben Oo Cillad U Joogsatay 156 Sanadood Oo Ay Jirtay Markii Ugu Horraysay

Saacadda Caanka ah ee Magaalada London caanka ku tahay ee loo yaqaano Big Ben ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah cillad ku timid u joogsatay dhawr saacadood balse lagu guulaystay in dib loo kiciyo oo ay shaqadeedii iyo garaaciddeedii caanka ahayd sii wadato mar kasta oo saacadi buuxsanto. Saacadda London ee Big Ben ayaa toddobaadkan markii ugu horraysay taariikhda intii ay jirtay oo dhan 156 sanadood waxa ay istaagtay dhawr saacadood oo ay shaqayn wayday iyada oo toddobaadkii hore uun ay ahayd markii ay dhawr jeer dib uga dhacday oo ay aakhirtay garaaciddii ay garaaci jirtay saacad kastaa marka ay buuxsanto.
Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail oo arrinkan wax ka qoray, cilladda ku timid Saacadda weyn ee Big Ben waxa uu keenay in maamulka dalka Ingiriisku guddi u injineerro ah u saaro cilladdan ku timid saacadda, guddidaasi oo baadhitaan ku sameeyey dhibaatada la soo deristay saacaddan taariikhiga ah kadibna ku guulaystay in ay dib u hagaajiyaan balse talooyin ku soo jeediyey in dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo saacaddan London caanka ku tahay oo ay ku sheegeen hanti iyo dhaxal dhaqan oo ay leeyihiin dadka Ingiriiska ahi kuna faanaan.
Sannadkan horraantiisii ayaa markii ugu horraysay la dareemay in ay cilladi ku soo jirto Saacadda Big Ben kadib markii ay garaacday dhawr jeer wakhti ka dambaysa wakhtiga caadiga ah ee ay garaacdo saacad kastaa marka ay buuxsanto taasi oo keentay in loo kuur galo dhibta haysata saacadda iyada oo ugu dambayn wiiggan horraantiisii fadhiisatay. Guddidii loo saaray hagaajinta iyo ka soo talo bixinta dhibta saacaddan la soo deristay ayaa sheegay in saacaddani duug noqotay oo aanay helin dayac tirkii ay u baahnayd sidoo kalena sheegay in ay saacadda ku timid xaalad dildillaac ahi iyo waliba biyaha roobka iyo dhadada oo ku sameeyey daxal.
Dib u habaynta saacaddan lagu samaynayo ayaa dadka reer London xasuusisay markii ugu dambaysay ee ay cillad koobani ku timid oo ahayd sannadkii 1976-kii wakhtigaasi oo dib u habayn kooban lagu sameeyey markii ay dhawr daqiiqadood dib uga dhacday wakhtiga saxda ah ee saacadaha kale sheegaan.
Big Ben oo ah astaanta caasimadda Ingiriiska ee London waxa la hindisay oo la farsameeyey muddo haatan laga joogo 156 sanadood. Culayska saacaddani waxa uu dhan yahay in ka badan 5 Tan waxaanay carrabadeedu dherer ahaan dhan yihiin illaa Afar Mitir. Waxaana sannad walba dalxiis iyo booqasho ugu soo daawasho taga Malaayiin qof oo dalxiisayaal ah. Saacadda Big Ben oo loo yaqaano Great Ben waxa ay si rasmi ah u shaqaysay oo la furay sannadkii 1859-kii waxaanu dhererkeedu dhan yahay 96m.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *