Saacad Gacanta Lagu Xidho Oo Uu Lahaa Aktar Caan Ah Oo Filimada Jila Oo Lagu Kala Iibsaday Lacago Malaayiin Dollar Ah

Saacad uu lahaa Jilaa Caan ka ahaa Shirkadda Filimaanta sameysa ee Hollywoodka ayaa lagu xaraashay lacag qaalli ah oo aan xaddigeena lagu kala iibsan Karin saacad noocan oo kale ah, kadib markii lagu soo bandhigay goob xaraash oo lagu iibiyo agabka ay leeyihiin dadka caanka ah kuwaasi oo lagu kala iibsado malaayiin dollar.
Saacaddan oo lagu xaraashay 17.8 Milan oo Dollar ayaa nooceedu ahaa Rolex waxaana iska lahaa oo muddo badan xidhan jiray Jilaaga caanka ah ee Filimada Ameerikanaka Paul Newman, waxaana saacaddan Hadiyad ahaan u siisay wakhti hore xaaskiisa Joanne Woodward xilli ay ku guda jireen duubista filmka winning together oo noqday mid ka mid ah filimadii ugu caansanaa ee ay soo saarto shirkadda Hollywood oo noqday filim aad dunida looga xiiseeyey.
Aktarka ama jilaaga caanka ah ee Paul Newman ayaa geeriyooday isaga oo 83-sano jir ah sannadkii 2008-dii, waxa uuna jilaagan qeyb ka ahaa filimaan dhowr ah waxa uu sidoo kale ka qeyb gali jiray tartamada baabuurta.
Saacaddan lacagta waallida ah lagu kala iibsaday ayaa ka samaysnayd macdan ka mid ah macdanaha qaaliga ah, waxaana loo adeegsan jiray tartanka baabuurta uu qeyb ka ahaa aktarkan geeriyooday. Waana saacad dunida aad looga jecel yahay oo ah shirkadda ROLEX oo ah mid ka mid ah shirkadaha saacadohooda loogu jecel yahay dunida.
Sida ay idaacadda BBC-du ku warrantay saacadan goobta lagu xaraashayay waxaa ka iibsaday qof aan magaciisa la shaacin oo khadka telfoonka kusoo hadlay, waxaana qiimaha lagu iibiyay ay noqotay mid ka badan intii la filayay.
Lacagan tirada badan ee lagu xaraashay saacaddan uu lahaa aktarka u dhashay dalka Maraykanka ayaa loogu deeqi doonaa hey’ad gargaar oo uu sameeyay Newman sannadkii 2005ta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *