BREAKING NEWS
Search

“Reer Gabiley Way Dulman Yihiin, Dad Ayaa Ku Dul Nool Oo Dhiiggooda Caba Sida Reer Saaxil, Kuwii Dulmiga Ku Waday Markaanu Is Nidhi Ka Qabta Oo Sharciga La Tiigsada Ayaa Iyagii La Noo Maqlay”….Ramaax

Gabiley, April 9, 2018- (Foore)- Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley ee uu dhawaan Madaxweynuhu Xilka ka qaaday Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shalay xilka wareejiyay ayaa khudbad buuq badan dhalisay ku dhalliilay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu ugu horayn sheegay in rag culculus oo adeerradii ah la keenay munaasibadda si loo aamusiiyo laakiin uu hafarka iska rogayo,Waxa uu sidoo kale fashiliyay siro badan oo ay ka mid yihiin Rag uu sheegay inay juwano gaar ah lacago kaga urursadaan Wajaale,iyo Sidoo kale isgaadhsiin uu sheegay inay halis ku tahay Dalka Itoobiya oo qayb ka mid ah uu xabsiga dhigay,iyo dhaliilo Culus oo uu ku ganay Madaxweynaha,isagoo sheegay inay lagu diray,beenna laga geeyay Madaxtooyadda.
Badhasaab Ramaax Waxa uu sheegay in shaqooyin uu ku fulinayay amarka madaxweynaha oo uu ka qabtay Wajaale iyo Gabiley laakiin, kuwii uu bulshada ka qabtay madaxweynaha ka ashkateeyeen sababna u noqdeen in xilka laga eryo isaga oo dib ugu dhigto wixii sheegis eh ee kale shir jaraa’id oo uu sheegay inuu todobaadkan ku qabsan doono Berbera,waxa badan kaga hadli doono.
Waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Kolay Cunaha ayaa la I hayaa oo in badan hadli kari maayo,waxaa joogaa Adeerkay oo aanan meesha ka filayn Muj Ibraahim Dhega Weyne,Waxa kale oo jooga Adeerkay Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye, dee Xadhigaygii ayaa gacmaha lagu soo qaadoo aad u haldi maayo,hase yeeshee Hafarka waan iska rogayaa,markii aynu Madaxweynahan Dooranaynay Waxa uu inoo balan qaaday inuu Sharcigu shaqaynayo,Maalin walba oo uu Madaxweynuhu hadlayo wuxuu yidhaahdaa sharciga ayaa shaqaynaya,Muusaw horta Sharciga aan ku shaqeeyay waa kaas,Sharciga Badhasaabada ayaan ku shaqeeyay,Sharciga aan ku shaqeeyay mid aan samaystay maaha,Mid cid kale ii dhiibtay maaha,Mid aan anigu dhul ku cunay maaha,Mid aan lacag ku doonay maaha,waa mid aan ku toosinayay maamulka waxaana ii banaynaya Xeerka Ismaamulka Gobolada Iyo Degmooyinka”.
Waxa kale oo uu yidhi: “Anagu waanu ka soo baxnay Hawshii uu Madaxweynuhu noo igmaday, oo umaanu fashilmin sidii kuwii Sicir bararka,sifiican ayay anaga noogu dhamaatay,Waa labadii arimood ee mudadii 120-cisho ahayd,waxaa halkan ka hirgalay Amarkii Madaxweynaha,Waa dawlad Cusub, in warqada ka soo baxdaa hirgasho ayaa waajib ku ah Masuuliyiinta Qaranka, Xilkagayagii waan gudanay,Ilaahay waa nagu asduray,Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Hawlaha guud waxay Markhaati iiga yihiiin dacaayada beenta ah ee Suuqa lagalinayo ee ragga qaarkii ku sheekaynayaan inaan dhul iibinay,Waxaanan leeyahay kuwa sidaasi leh, magayo mana yeelayo,mana jirto arintaasi,waa ta xilka lagaga qaaday ayay leeyihiin”.
Sidoo kale waxa uu yidhi“Waxa wajaale ka jiray ayaan idiin sheegayaa,marka la qaadayo cashuur Waxa qaadi kara uun Wasaaradda Maaliyadda iyo Dawladda Hoose,Wajaale waxaa kajira Rag juwanno samaystay,oo lacag qaada oo aan xaaraatimeeyay,haddii ay khalad ahayd iyo haddii ay sax ahaydba,Waxaa ka jira niman ganacsato ah oo waraaqo Fooljari ah oo sharciga ka hor imanaya,waa ka jira Gudiyo iyagu amra maalinba ninkay iyagu doonaan keena maamulka Degmada Wajaale layidhaa,Waxaa iyaduna kajirta Isgaadhsiin xaaraan ah oo aan wax sharci ah loo haysan,isgaadhsiintaasi waxay ahayd, Halkan wasiirkaygii Arimaha Gudaha ayaa fadhiya, dawladan ITOOBIYA heshiis ayaynu la soo galnay,Cable-ku ka mid ayuu ahaa,Tiridhaba ayaa lagu soo saxeexay,Aniga iyo Wasiirkuba waftigii ayaanu ka mid ahayn,inaan Itoobiya wax la col ahi halkan fadhiisan Karin,Iyaguna halkan inoosoo fadhiisan Karin,Wixii iyaga xadaya iyo wixii inaga ina xadaya inay Qolo waliba ay dhankeeda ka foojignaato”.
Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi: “Waxa uu wasiirka arimaha Guduhu iisoo qoray Amar uu leeyahay waxaad fulisaa, Isgaadhsiinta xaaraanta ah ee laleeyahay halkaasi ayay taalaa hala qabto, waan qabanay qaarkeed inteedii badnayd wali way taalaaye, markaanu qabanay waxaa ka soo baxday wada shaqayn la’aantaa aan sheegayno,Booliisku way ku dhici waayeen inagoo badhesaabkii ah oo amraya inay galaan oo ay soo qaadaan,oo waliba qoraal u qoray tii wasiirka intaan ku lifaaqay, waayo way ku dhex milmeen oo iyaga ayaa ka mid noqday,hadana waa kuwa Ashkatada iyo beenta habeen walba Madaxtooyadda la taagan”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi: “Odayaal ayaa halkan igala hadlaya, Mid gaar ah ayaan ku qabsan doonaa Berbera oo aan wax walba ku hadli doonaaye,maanta waan gaabinayaa, waxaana tirinayaa tixdan “Tacab ba’ay dheh maantaba hadduu timir i caayaayo, tol la’aan dheh raggii aan tiirka qabadsiiyay”,waxaan halkan fariin uga dirayaa Madaxweynaha oo aan leeyahay waa inaad waxbadan hubsataa, Warbixinta ugu dambaysa ee Gobol ama degmo waxaa iska leh Badhasaabka, Waa shaqadaydii oo la igu faro galiyay,oo si qaldan loo isticmaalay, waxaa la yidhaahdee Jibriil Reer Gabiley ayaa waxaasi cuna,Reer Gabiley Way ku dulman yihiin,laakiin Dad ayaa ku dul Nool Oo Dhiigooda Caba Sida Reer Saaxil,Kuwii Dulmiga ku waday markaanu is nidhi ka qabta oo Sharciga La Tiigsada ayaa iyagii la noo maqlay?”ayuu hadalkiisa ku soo koobay Badhasaab Ramaax.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *