BREAKING NEWS
Search

Raysal Wasaraha Somaliya Oo Goor Dhawayd Gaadhay Kismaayo Iyo Isgaadhsiintii Oo Hawada Laga Saaray Iyadoo Cabsi Xoogani Soo Food Saartay Waftiga

Kismaayo (Foore)-R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa laguu soo waramaya in uu goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay tagitaankiiisa aad looga sugayay, waxaana wafdiga Ra’iisul Wasaariha barqanimadii maanta ay dhoofeen magaalada Muqdisho.
Sida ay xaqiijinayaan wararku wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa heersare ah dhoweeyay, iyadoo ammaanka si taxdar leh loo adkeeyay, waxaana hawada laga saaray dhamaan shirkadaha isgaarsiinta ee magaalada, mana jiro wax dhaq dhaqaaq dadweyne ah oo socda.
Ilaa shalay magaalada waxaa ka socday diyaar garow ku aadan soo dhoweynta, waxaana magaalada jawigeedu ahaa mid aad uga duwan sidii hore, waxaana lagu arkayay wadooyinka ciidamo fara badan.
R/ Wasaaraha ayaa la rajaynaya in Mas’uuliyiinta maamulka Kismaayo uu kala hadlo arrimo fara badan oo ku saabsan maamul u sameynta Jubooyinka, kaasoo todobaadyadii u dambeeyay uu khilaaf ka taagnaa habka maamulida shirweynaha maamul u sameynta.
Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ku joogayo Kismaayo, inkastoo laga yaabo in Mas’uuliyiinta Maamulka Kismaayo ay ka wada hadlaan arrimaha ku saabsan maamul u sameynta jubooyinka oo horay guux badan uga jiray.

Wariye Kamaal Sh Ismail




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *