BREAKING NEWS
Search

Raysal-Wasaaraha Dawlada Kenya Raila Odinga Oo Safar Shaqo Ku Imanaya Dalka Iyo Ergayga U Qaabilsan Somaliland & Soomaliya Oo Hargeysa U Jooga Gogol Xaadhkiisa

Hargeysa (Foore) – Ergayga gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha dawlada Kenya u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Md. Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee dalka Kenya isla-markaana muddo dheer ku jiray baarlamaanka dalka Kenya oo socdaal shaqo ku jooga caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa cadeeyay inuu u sii gogol xaadhayo wefti uu ku hogaaminayo raysal-wasaaraha Kenya Mr Railla Odinga ku imanayo Somaliland.
Masuulkan oo xalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta iyo wacy-galinta Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland u yimaadeen si ay xog-ogaal ugu noqdaan xaalada dhabta ah ee dhinacyada nabadgalyada, dimuqraadiyada iyo horumarinka aasaasiga ah.
Mr Ilyaas Barre Shiil waxa uu sheegay inuu kulan la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isla-markaana Madaxwaynuhu ku qaabiley weji furan, kalana kulmay soo dhawayn heer sare ah.
Ergayga raysal-wasaaraha Kenya u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mr Shiil oo ugu horeyn ka hadlaya ujeedada socdaalkoodu waxa uu yidhi “Socdaalkaygu wuxuu la xidhiidhaa sidaan gogol xaadh ugu samayn lahaa Wefti uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Kenya oo socdaal ku iman doona dhawaan Somaliland si ay u arkaan waxay qabsatay iyo horumarka ay gaadhay”
Mr Ilyaas Barre Shiil waxa kale oo uu soo qaaday “Sida runta ah markaanu joogno Kenya anaga (Soomaalida) la sheegayo waxa nalagu yidhaahdaa Somaalidu waa dad xun oo dagaal badan, meelaha aanu farta ku fiiqno ee aanu ku faano waa Somaliland, waana wax run ah oo in la xaasidana ma fiicna, waa meel aanu nidhaahno dimuqraadiyad ayaa ka jirta oo dagaal kama jiro ayay Somaliland iyo Djabuuti ka mid yihiin arrintaasna inaanu qarino ma aha.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa haddii aanu nahay Soomaalida Kenya waxaanu jecel nahay inaanu hagaajino xidhiidhka Somaliland iyo anaga naga dhaxeeya kana faa’iidaysano.”
Ilyaas Barre Shiil waxa uu sheegay inuu Hargeysa ku arkay dad badan oo reer Kenya ah oo ka shaqeynaysana “Waxaan arkay niman faro badan oo reer Kenya ah oo gobolada kale ee Kenya ka yimid oo ka shaqaynaya Somaliland, waxaan jeclaan lahaa dad ka yimaada Wajeer, Mandheera iyo Gaarisa oo mutacalimiin ah inay yimaadaan dalkan oo ay walaalahood wax la qabtaan iyaguna ka faa’iidaystaan,”ayuu yidhi Ergaygu, waxaanu ka hadlay doorashadii aqalka Madaxtooyada Somaliland iyo habkii loola kala wareegay inay ahayd mucjiso aan ka dhicin dalalka Afrika intooda badan.
Ergaygu waxa uu xusay in mudadii uu dalka joogay uu kulamo la yeeshay baarlamaanka Somaliland, gudida diiwaangelinta ururada siyaasada , Komiishanka doorashooyinka iyo qaybaha bulshada kuwaas oo uu dhamaantoodba ku tilmaamay kuwo dhinaca horumarka u socda, kana faa’iidaystay nabadgalyada ay ku naaloonayaan.
Safarka masuulkan ayaa la xidhiidha sidii ugu sii gogol xaadhi lahaa raysal-wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo la filayo inuu Somaliland safar shaqo ku yimaado.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *