BREAKING NEWS
Search

Raxan Maroodiyaal Ah Oo Xidhay Jid Weyn Oo Ku Yaalla Spain Iyo Booliska Oo La Tacaalaya Sidii Looga Furdaamin Lahaa

Sida qaalibka ah dalalka qaaradda Afrika ayaa lagu arkaa iyada oo xawayaano jidad xidheen ama dad dalxiisayaal ah waxyeelo gaadhsiiyeen balse dalka arrinkani ka dhacay waa waddanka Spain waxaana dhacday in koox raxan Maroodiyaal ahi Jid waddo ah xannibeen in muddo ah iyo dhibaato sidoo kale soo gaadhay qaar ka mid ah maroodiyaashaasi.
Shan maroodi ayaa sababay in ay xidhaan waddo weyn oo ku taalla koonfur-bari waddanka Spain kadib markii ay ka soo baxsadeen gaadhi ay ku jireen kaas oo ay burburiyeen gabi ahaantiiba.
Mid ka mid ka mid ah shantan Maroodi ayaa u dhintay dhaawacyo soo gaadhay iyadoo laba kalana ay waxyeello dhaawac ahi soo gaadhay sidaasi waxaa sheegay booliska dalkaasi Spain oo wakaaladda wararka Spain u sheegay sida shilkani u dhacay iyo sababta ay Maroodiyaashani u soo baxsadeen sidoo kalena ay u xidheen jidka.
Maroodiga dhaawacu soo gaadhay ayaa wadada lagaga qaaday wish weyn kadib markii uu xidhmay jidkaasi maroodiyaashii kalena gadood sameeyeen markii ay arkeen Maroodiga kooxdooda ka mid ahaa oo dhaawacan dhiiguna shalaqsanayo. Dhacdadaan ayaa ka dhacday magaalada Pozo Cañada galabnimadii Isniintii toddobaadkan. Darwalkii gaadhiga xamuulka ahaa ee ay saarnaayeen Maroodiyadu ayaan wax dhaawac ahi ama waxyeelo kale soo gaadhin.
Xoghayaha dowladda Spain u qaalbilsan gaadiidka Gregorio Serrano ayaa baraha bulshada soo dhigay video Muujinaya Maroodiyada oo laga daad gureeynayo waddada.
Booliska gobolka Albacete ayaa shaaciyay sawirro muujinaya saddex maroodi oo ka mid ah shanta maroodi oo ku wareegeeysanaya wadada aadna u cadhaysan taasi oo keentay in gaadiidkii wadada marayay la joojiyo dadkuna aad isaga ilaaliyaan xaaladdan kacsan.
Mr Serrano ayaa bartiisa Twitter-ka ku shegay in weli la baadhayo sababta keentay burburka gaadhiga weyn ee xamuulka ah ee marka hore Maroodiyaasha lagu siday iyo sida ay marka dambe Maroodiyaashu jidka u xidheen iyaga oo gadoodsan aadna halis u galiyey dad iyo gaadiidba.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *