BREAKING NEWS
Search

Raggii Dalkooda Somaliland Khiyaameeyey Oo Waji-Gabax Culus Kala Kulmay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Foore)- Siyaasiga Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ashkhaasta Somaliland diidka ah ee ka caasiyoobay dalkiisa ayaa maanta fashilaad iyo waji-gabax kala kulmay doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Ka dib markii uu ku hadhay wareegii koowaad ee codbixintii baarlamaanka.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah ashkhaasta u ban-baxay naqdiga iyo camaareynta iraadada shacbiga Somaliland ay xornimadooda kagala soo noqdeen wixii la isku odhan jiray Soomaaliya 21 sano ka hor, ayaa dhawaan ku biiray Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxaanu isu soo taagay doorashada madaxweynaha. Waxaanu ku helay 8 cod oo qudha, waxaanu sidaasi kaga hadhay tartanka doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale, wiilkii Af-weyne ee Maslax Maxamed Siyaad oo ahaa maskaxdii ka dambaysay fulintii xasuuqii Jasiira ee lagu gumaaday dad badan oo reer Somaliland ah, ayaan isaguna helin ka helin wareegii koowaad ee codbixinta doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Geesta kale, Madaxii hore ee laanta Afsoomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar oo hore oo si shakhsi ah naafeeyay laanta afsoomaaliga ee BBC-da, ayaa isna waji-gabax kala kulmay codbixintii doorashadan, waxaanu helay sideed cod oo qudha.

Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo isna ka mid ah ashkhaasta Somaliland ka soo jeeda ee u shaqo tagtay Soomaaliya ayaan isna hal cod oo qudha ka helay tartankii wareega koowaad ee codbixinta Madaxweynaha Soomaaliya oo ay baarlamaanka cusub ee dalkaasi u fadhiyaan. Waxaanu sidaasi ku seegay tartankan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *