BREAKING NEWS
Search

Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Oo Shalay Si Degdeg Ah U Baajisay Kulan Qarsoodi Ah Oo Ay Jimcaha La Lahayd Ururrada Bulshada

Nuxurka Qoraalka Uu Qunsulku Ku Baajiyey Martiqaad Uu Saddex Maalmood Ka Hor U Fidiyey Madaxda Ururrada Bulshada Iyo Aqoonyano Gaara + Shakiga Ku Gedaanaa Kulankaasi

Hargeysa (Foore)- Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeysa ayaa shalay si rasmi ah u baajisay (Canceled) marti-qaadka kulan ay saddex maalmood ka hor u fidisay Madaxda Ururrada Bulshada, Dhaqanka iyo Masuuliyiin kale, kulankaasi oo qorshuhu ahaa in uu berri oo Jimce ah gelinka dambe ku qabsoomo xarunta Qunsuliyadda oo ku taalla xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa, laguna sheegay in lagaga hadli lahaa wada hadallada Somaliland iyo Somalia.
Baajinta Kulankaasi ayaa lagu baahiyey qoraal shalay soo baxay oo uu ku saxeexan yahay qunsulka Turkiga ee Somaliland Md. Muzaffer Yuksel kaasi oo dhammmaan dadkii uu saddex maalmood ka hor kulankaasi ku marti qaaday uu ku ogaysiiyey in uu kansal gareeyey kulankaasi isaga oo ku sababeeyey baajinta kulankaasi xaalad uu sheegay in ay tahay mid xasaasi ah oo ka dhalatay wararkii maalmihii ugu dambeeyey soo baxayay ee ku saabsanaa madax dhaqameed la sheegay in Turkigu abaabulayo oo ka qayb galaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Qoraalka ogaysiinta baajinta kulankaasi berri dhici lahaa oo uu ku saxeexnaa Ambasaddor Muzaffer Yuksel ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Waxaan ka xunnahay in aan idin ogaysiino martiqaadkii aanu hore idiinku fidinay Bishan 27-keeda ee ka dhici lahaa xarunta in aanu joojinay. Sababta aanu u baajinay kulankaasi waxa weeyi xasaasiyadda ka dhalatay warar si khaldan ugu dhex fiday Bulshada. Waxaanu jecelahay in aad nala fahmi doontaan duruufaha aanu sidan u yeelay ee aanu u baajinay kulankan. Mar labaad waxaanu idinka raali gelinaynaa xaaladdaaasi degdegga ah ee nagu timid oo aanaan filayn” Qunsulka Guud ee Safaaradda Turkiga Mr. Yuksel.
12273080_1030672046977546_685932020_n
Saddex maalmood ka hor ayay ahayd markii qunsuliyadda Turkigu martiqaad u fidisay dad badan oo kala duwan oo kasoo kala jeeda Madaxda Ururrada Bulshada, Madaxda dhaqanka iyo aqoonyahano kale, kaasi oo ay ugu baaqday kulan gaar ah oo wada tashi oo berri oo Jimce ah 2-da Duhurnimo ka dhici lahaa xarunta Qunsuliyadda ahna kulanka shalay la joojiyey. Illaa imika ma cadda sababta rasmiga ah ee ay qunsuliyaddu u baajisay kulankaasi iyo marka horeba qorshaha dhabta ah ee ay ka lahayd inkasta oo la ogsoon yahay in Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya muddoba ku hawlanayd sidii ay kulan ugu qaban lahayd odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda Somaliland iyo Soomaaliya, arrinkaasi oo shacabka Somaliland ku abuuray walaac weyn.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *