Search

Qorshihii Xukuumadda Ee Banka Qool-cadey Oo Markale Dib-U-Bilaamay,Dadka Deegaanka Oo Si Weyn Uga Soo Hor-jeedda Iyo Ganacsatadda La Wariyay In Loo Xidhayo Banka

Sallaxley(Foore)-Waxa maal-mahan si weyn usoo xoogaystay qorsheyaashii xukumadu dabada ka riixaysay ee lagu doonayay in Banka Qoolcaday loo xidho rag ganacsadayaal ah oo doonaya inay xoolahooda ku xanaanaystaan Banka Qoolcaday, lagana raro oo laga barakiciyo dad iyo xoolo wixii degganba.

Mashruucan ayay xukumadu inta badan ku doodaa in midowga reer Yurub qarashka ku baxaya bixinayo, isla markaana lagu naaxinayo xoolaha deegaanka iyo xoolaha kale ee dalka ka dhoofaya, iyadoon marnaba si Public ah aan usoo bandhigin kharashka ku baxaya mashruucan, qaabka iyo habka loo fulinayo, inta uu soconaya iyo faa’ido iyo khasaare wuxuu kusoo kordhinayo deegaanka. Taas badalkeeda xukumadu waxay usoo biyaysatay inay tab iyo xeelad-ba u adeegsato fulinta qorshahan dhagaraysan ee barakicinta iyo caydhaynta ah, waxaanay xukumadu fulinaysaa codsi ay usoo gud-biyeen Al-jaabiri iyo shirkada Indha Deero ee ka ganacsada dhoofka xoolaha nool. Kadib markii Dawlada dalka Sacuudigu ka codsatay, kuna amartay in Al-Jaabiri iyo ganacsatada kale ee xoolaha kasoo dhoofiya dekada Berberi inay samaystaan meel xoolaha lagu hayo muddo Soddon 30 Ilaa Afartan 40 Cisho ah ka hor intaan loo soo dhoofin dalka Sacuudiga si loo kala ogaado neefka caafimaadka qaba iyo neefka xanuunku kusoo jiro.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *