Qodobka Lagu Kala Saari Doono Ururada Iyo Axsaabta Ugu Codka Bata Doorashada Oo Khilaaf Hor Lihi Ka Soo Kordhay

Hargeysa(Foore) kulan ku dhex maray Qasriga Madaxtooyadda dhinacyadda kala ah Guddida Diiwaangelinta, Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumada ayaa lagaga dooday waxa laga yeelayo Qoddobka lixaad ee Xeerka Doorashooyinka Xeer N0: 14 kaasoo mugdi badani ku jiro qaabka ay Axsaabta iyo Ururada Siyaasaddu ugu kala baxayaan Natiijadda Doorashada soo socota ee Golaha Deegaanka.
Kulanka ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda ayaa la sheegay inuu ka yimi dhinaca Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo dalbaday in Qoddobka Lixaad ee Xeerka Doorashada la cadeeyo maadaama cabashooyin kala duwani ka imanayaan qaabka uu u dhigayo in loogu kala baxayo Codadka loogu gudbayo Sadexda Xisbi ee ugu sareeya. Waxaanu u dhigan yahay Qoddobkani sidan:-
Qodobka lixaad: Kala reebida Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada deegaanka
Sadexda Xisbi/urur ee Doorashada Dawladaha hoose ka hela 20% Codadka Gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi Qaran lana siinayaa Shahaadada Aqoonsiga Xisbi
Haddii hal Xisbi/Urur oo kali ahi ku guulaysto Doorasahada oo uu ka helo 20% Codadka Gobol kasta Guddidu waxay u aqoonsanaysaa Xisbi Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga isu geynta Codadka boqolayda ee Gobol kasta.
Haddii ay is leekaato tirade Boqolayda Goboladda ee laba Urur ama ka badan waxa lagu kala saarayaa sida ay u kala Bataan tirade Guud ee Codadka.
Haddii Ururada Siyaasadeed mid-na gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa Xisbiyo Qaran Sadexda Xisbi ee ugu tirade Badan Codadka Doorashooyinka boqolayda Goboladda Dalka.
Tobankii sanadood ba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan, ahse yeeshee waa in Urur siyaasadeedka la abuuraa lix bilood ka hor maalinta la qabanayo Doorashada Golayaasha deegaanka.

Dooda qoddobkan ka soo cusboonaatay wakhtigan ayaa la sheegay in lagu kala aragti duwanaaday qaabka loo saxayo. Masuuliyiinta Xukuumadda qaarkood oo uu Wasiirka Madaxtooyaddu kow ka yahay waxa ay ku dooday sida la sheegayo Qoddobkan in Tafsiirkiisa loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah si ay iyadu u soo cayinto qaabka loo kala saarayo Axsaabta iyo Ururadda Tartanka galaya.
Hase yeeshee rag door ah oo isugu jira Xukuumadda iyo labada dhinac eek ala ah Gudida Diiwaangelinta iyo Komishanka Doorashooyinka ayaa la sheegay inay ku taliyeen in Dib loogu celiyo labada Gole ee Baarlamaanka si ay Wax ka bedel ugu soo sameeyaan Qoddobkan.
Arrinta danbe ayaa la sheegay inay ka biyo diideen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Jilibka is dhigay, kuwaasoo qaarkood ay ku doodeen qoddobka danbe haddii la qaato in ay ka war war san yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro oo ah isla guddoomiyaha Ururka Mucaaradka ah ee Wadani inuu ka faa’iidaysan karo oo uu shaadh Ururkiisu ku soo baxo uga toil doono mar kale Xeerka.
Hase yeeshee kooxda Sidaas Aaminsan waxa la sheegay in lagua qanciyay in lala sugo isla marka uu Guddoomiye Cirro u baxo safar la filayo inuu maanta ugu ambabixi doono Dalka Ingiriiska mudada uu maqan yahayna looga sii faa’iidaysto sidii Golaha Loo sii marsiin lahaa.
Talada danbe lafteeda ayaa u muuqata mid ay Xukuumaddu ku doonayso inay fursad ugu hesho mudada uu Guddoomiye Cirro maqan yahay ee ay xilka sii hayaan labada Ku-xigeen ee Kulmiye ka soo jeedaa inay marsato qaabka ay doonayso inay u dhigto Wax ka bedelka Xeerka lagu samayn doono.
Si kasta ha ahaatee, waxa la filayaa in toddobaadkan gudihiisa Xeerka dhinac uun loogu jiheeyo inta aanay Doorashada wakhtigeeda oo fooda inagau soo haysaa aanay ina soo guda gelin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *