Search

Qisooyinka Layaabka Leh Ee Ku Duugan Dadka Sucuudiga Lagu Qabqabtay Iyo Amiir Xabsi Guri Loo Diray Oo Isku Furtay $1 Bilyan

Iyadoo in ka badan 200 oo qof oo isugu jira amiirro iyo saraakiil sare oo u dhashay Waddanka Boqortooyada Sacuudigu bishan lagu soo qabqabtay hawl-gal ka dhan ah musuqmaasuq ayaa hadda qaarkood xabsiga laga sii daayay. Qofka ugu magaca weyn dadka hadda xabsiga laga sii daayay ayaa ah amiir lagu magacaabo Mitaib oo laba usbuuc ka hor markii la soo qabanayay laga xayuubiyay xilka madaxa ilaalada qaranka dalkaasi kadibna xabsiga la dhigay.
Xadhiga Ninkan Mutaib oo tan iyo afartii bishan November lagu hayay hoteelka weyn ee Ritz Carlton ayaa ahaa mid ka fajaciyay dad badan maadaama uu ahaa madaxa ilaalada qaranka, xilkaasoo ahaa mid aad muhiim ugu ah amniga boqortooyada dalkaasi Sucuudiga. Waxaa sidoo kale loo arkayay in uu noqon doono boqorka mustaqbalka ee dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan dalka Sucuudiga ayaa sheegay in amiirkani uu ogolaaday in uu bixiyo lacag ka badan hal bilyan oo doolar si uu xorriyaddiisa uu dib u helo waana arrin aad looba yaabban yahay sababta sidaasi u dhacday iyada oo dhinaca kalena ay layaab leedahay in uu lacag intaasi le’eg isku furto si uu ugu yaraan xor uga ahaado xabsi guriga la galiyey.
Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegayaa in xabsiga laga sii daayay kuwaasi oo dhammaantood al sheegay in ay lacago xaddi badan isku furteen oo ay xukuumaddu ka qaadday.
Dhammaan shakhsiyaadkan ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq kala geddisan oo qaarkood la sheegay in la geystay tobanaan sano ka hor balse dadka siyaasadda waddanka Sucuudiga falanqeeyaa waxa ay sheegayaan in aan musuq maasuq dadkaasi lagu eedayn oo aan lagu xidhxidhin ee arrintu tahay awood ballaadhsi uu samaynayo ninka wakhtigan dalkaasi ugu awoodda badani waa Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis oo ah wiilka uu dhalay boqorka wakhtigan xukunka hayaa kaasi wiilkaasi oo ah dhaxal sugaha dhawaan la filayo in uu si rasmi ah ugu wareego talada dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *