BREAKING NEWS
Search

Qisada Heesta ‘GOBAAD’ Iyo Xog-warranka Dhabta Ah Ee Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam (IHU) —Q:3aad

Gabadhii sidaasi ayay Abwaan Yamyam oo haasaawe tag ah oo ku af-gobaadsaday waydiinta nin Guuleed la yidhaahdo ayay ku soo dhawaysay oo daaradda Gambadh yar u soo dhigtay. Maxaa xiga tolow?. Qisadan xiisaheeda waxa innooga sii warrami doona Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam Ilaahay ha u naxariistee, waxaanan qaybta kale ku eegi doonaa bal waxa kala qabsada Abwaan Yamyam iyo gabadhan daaradda Gurigooda ku soo dhawaysay goorta fiidka ah.
“Markii ay I soo dhawaysay ee ay gambadh daaradda ii dhigtay halkii baannu haasaawe iyo sheeko ka bilawnay sidii ayaanan u sheekaysanaynay illaa waagu ka beryayay. Kadib waxaan ku idhi waan isku dhaw nahay oo guriga halkaasi ah ayaan deganahay ee I soo mar. galabtii ayay ii itimid aniga oo gurigaygii fadhiya. Heestii oo qoran baan u dhiibay. Sheekadu sidii ay xalay u dhacday iyo heestii aan ka sameeyey ayaan farta gabadhii ka saaray oo qoraal ah. Sannadku waxa uu ahaa 1976-kii qisada heeskaasina sidaasi ayuu ku soo baxay. Waan ogahay in la bedbedalay oo xataa cid kale la siiyey oo Kuwayt iyo deggan dalalkaasi Khaliijka oo qolo kale lagu sheegay in ay heesta sameeyeen. Laakiin xaqiiqanimo qisada heeskani ku yimid sidan ayay ahayd oo aniga ayaa sameeyey. Waxaanay Gobaad leedahay sidan:
‘Xalay Gelin Dhexaadkii
Mar Aan Mayrac Guuraha
Sheedda Guryi Ka Faalaley
Oon Himilyo Gaariyo
Dayaxoon Galsho Lahayn
Ilayskiisa Galalacay
Sida Gooni Daaq Cawl
Gaafmeeray Socodkii
Oo Guud Haldhaa Iyo
Mililicay Gob Weynoo
Midba Gooni Laamaha
Rucub Midho Ah Gunodoo
Gedgedoonka Raamuhu
Dhexda Deri Garaaro Leh
Hadba Gees U Liicaan
Oo Wali Gar Eexaad
Lagu Niqin Guntiisoo
Gudin Nabar U Yeeshiyo
Gacan Cadaw Ku Dhicinoo
Xididkiisa Gaarani
Dayrtoo Gidaadiyo
Guulle Waayo Aragoo
Gondahaa Rayska Kula Jira
Oo Hoos Galbeedkiyo
Hadhka Gelinku Bixiyaa
Neecow Gaar Ah Leeyahay
Oon halaq galeeniyo
Inna Godad lahaynoo
Gardhadiyo Caleemaha
Aany Haaddu Guri Karin
Oo Meel Gabbaadiyo
Sabo Guri Ku Yaaloo
Leexo Is Galaashiyo
Uffo Garnayl Kiciyo
Dabaylaha Gilgilayaa
Manka Aanay Goyn Karin
Kalcagayl I Galay Iyo
Gocashada Xasuustiyo
Haybaday Ila Gudubtoo
Naxariis Indhuhu Godol
Baalasha Is Geliyeen
Ayaa Gedafka Muuqu
Geed Iiga dhigayee
Illayn Aragu Waa Gabadh
Mase Garanayee Talo
Guurti Yaa U Marinlaa
Goob Xaadhashadayaa
Isagoon Gafin U Sugay
Garta Kali Niqi Lahaa
Naftu Gogotay Laabtee
Googaale Badanaa
Gudbi Wayday Saantuye
Ma Godbaa Horteedaa
Inaan Laba Mid Soo Galo
Saw Ilama Gudboonaan
Geesi Waayo Arag Ahi
Dantii Kama Gaddoomee
Saw Ardaaga Gurigii
Gaashaan Kamaan Dhigan
Saw Ereyo Googo’an
Gooli Baadh Kumaan Odhan
Guuleed Ma Joogaa
Guntanaha Sarbeebta Ah
Saw Maanay Garanoo
Kaftan Dhiirrigelin Iyo
Googaa Ma Odhanoo
Sheekadii Igama Gurin
Oo Godasha Xeediyo
Gaari Camaladeediyo
Gogol Iima Soo Dhigin
Haasaawe Guud Oo
Gardaadasaday Jacayl Iyo
Saw Barasho Gaaroo
Aanu Libin Ka Gaadhnaa
Goobtaa Kamuu Dhalan
Laxawgaa Guntamay Iyo
Faraxaa Ka Soo Go’ay
Qalbigii Gudhnaayee
Irmaanaaday Galabtoow
Gacmo Furan Dhankaygee
Gacmo Furan Dhankaygee
Daallo Geedaheedii
Danni Aan Ka Guray Iyo
Guntimooyin Ubaxoo
Xariir Lagu Goleeyaan
Idiin Galiyey Qoortee
Deeq Gacala Weeyee
Gobaad Waxaad U Dhiibtaa
Gundhigii Xishoodkana
Adiguna Garaad Badaneey
Maanku Kaama Guuree
Murti Aan La Goohiyo
Gunno Weeye Kalidaa
Gabdho Aad Ka Mudatee
Geestaydan Caashaqa
Ka Godladay Ha Gaagixin
Ka Godladay Ha Gaagixin.
Heestan waxa laxanka u sameeyey Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir” waxaana ku luuqeeyey Fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar. Gobaad gabadha magaceeda maaha ee waa magac suugaaneed aan gabadha u bixiyey. Marka aan leeyahay qalbigii gudhnaayee Irmaanaaday galabtoow waxaan u jeedaa aniga oo wakhtigaa ahaa nin dhallinyaro ah oo aan muddo dheerna ka soo laacay xeradii Tababarka ee ciidamada. Xeradaasi waxa masuul ka ahaa nin la odhan jiray Gabyow oo aannu meesha isku baranay kaasi ayaa inta uu ii sed buriyo igu odhan jiray orod oo iska fasax noqo oo marka aad soo noqoto ii kaalay cid kale ha u tagine yaan lagu qabsane. Marka aan leeyahay Guntimooyin Ubaxoo
Xariir Lagu Goleeyaan, Idiin Galiyey Qoortee waxa aan u jeedaa dareenkayga ayaan la hadlayaa oo aan leeyahay ubaxaa qoorta u sudha ma aha qof waxaan la hadlayaa……La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *