BREAKING NEWS
Search

Qisada Afduubkii Diyaaradda Lufthansa Ee Somalia Lasoo Fadhiisiyey Iyo Haweenay Dunida Korkeeda Danbi Qudha Laba Jeer Lagu Maxkamadeeyay

Waxa Turjumay: Naasir Maxamed Cabdilaahi …….. Q:1aad

13-kii October 1977-kii, 11-kii Subaxnimo waxa la afduubay Duulimaadkii Diyaaradda Landshut ee duulimaadkeedu ahaa 1330 Diyaaradaas oo ay lahayd shirkadda Diyaradaha ee Lufthansa ee dalka Jarmalka, waxaana saarnaa rakaab dhan 86 qof, diyaaraddaasi oo ka soo duushay Garoonka Diyaaradaha ee Palma de Mallorca oo ku yaal Dalka Spain waxaanay ku sii jeeday Magalada Frankfurt Ee Jarmalka Galbeed.
Afduubka diyaaradda waxa ka danbeyay afar qof oo laba Lubnaaniyiin ahaayeen halka labada kalena Falstiiniyiin ahayeen waxanay kala ahayeen, Youssif Akache oo ahaa Falastiini Da’diisu ahayd 23 jir Marka danbna la baxay Captain Marty Mahmud Iyo Suhaila Sayeh oo ahayd 22 Jir Falastiiniyad ah, qofka saddexaad waxa uu ahaa Wabi Harb oo ahaa 23 jir Lubanaani ah iyo Hinda Alameh oo ahayd 22 jir Lubaaniyad ah. Xubnaha Diyaaraddan afduubay waxa ay ka tirsanaayeen Jabhadda reer Falastiin ee PLO, Sababta ay diyaarada u afduubeena waxa ay ahayd inay u aargudaan Hogaamiye Jabahada Falastiiniyiinta ka tirsanaa oo lagu dilay hawl-galkii ciidamada Israaiil ay ka fuliyeen garoonka diyaaradaha ee Uganda, u hiilinta maxabiis ka xidhnaa fallaago Jarmal ah oo la odhan jiray Red Army (Ciidankii Casaa) waxay xidhiidh dhaw lahayeen jabahadda Falastiniyiinta ee PLO.
Daqiiqado kooban Markay Diyaaradu hawda ku jirtay wuxuu Hogaamiyihii afduubayaashu Captain Marty Mahmud Sheegay in uu Caawiyihii duuliyaha ku amray inuu rakaabka ku biiro waxaanu duuliyaha diyaradda ku amray inuu diyaradda ku leexiyo Jasiiradda Qurbrus balse duuliyaha diyaaradu arrinkaa wuu ka gaws adaygay isagoo ku andacooday in shidaalka diyaaraddu aanu gaadhsiin Karin Jasiirada Qubrus arrinkaasina aanu suuro gal ahayn, waxaanu sheegay inay haboontahay inay Roma ku leexdaan si ay shidaal uga sii qaataan waana laga ogolaatay arrintaas. Ugu danbayn waxay ka dageen Roma oo Talyaaniga ah waxaanay dalbadeen in la sii daayo 12 Maxbuus oo ciidamada guduudan ah iyo qar ka mid ah Jabhadda Falstiiniyiinta iyo lacag dhan 15 Million oo dollar.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka Galbeed wuxuu dhigiisa Talyaaniga ka codsaday in taayirada laga toogto diyaaradda si aanay afduubayaashu dulimaadyo kale u samayn, balse wasiirka arrimaha gudaha dalka Talyaaniga way u cuntami wayday markuu la tashi badan la sameeyay ciidamada amniga ee Talyaaniga, waxaanay u fuliyeen dalabkii afuduubayaasha shidaalna way ugu shubeen. Kooxdii afduubka gaysatay oo diyaaraddii iyo rakaabkeedii wadataa Waxay ka duuleen Magalada Roma iyadoon laga eegin xitaa in hawada diyarado kale ku soo jiraan iyo in kale waxaanay ka dejiyeen diyaaradii Saacado ka dib Magaalada Lanmark ee Jasiiradda Qubrus iyada oo ay madaarka ugu yimaadeen kooxo ka tirsan Jabahada Falastiiniyiintu. Wada xaajoodkii lagu doonayay in diyaarada afduuban lagu badbaadiyo dhamantood way guuldaraysteen waxaana loogu shubay shidaal dheerada waxaanay ka duuleen Jasiirada Qubrus iyagoo codsaday in lagu xidho khadka magaalada Bayruud ee dalka Lubnaan, Garoonka Lubnaan oo xidhnaa awgeed dalabkii waa laga diiday waxaanay u leexdeen dhinacaa iyo Dimishiq taasina may u suuro gelin oo waa laga diiday, haddana waxay tijaabiyeen inay u leexan karaan Baqdaad iyo Kuwayd, sidoo kale iyana waana laga diiday. Muddo ka dib Dalka Baxrayn ayaa u ogolaaday inay soo fadhiisato iyada oo tix-gelinaysa shuruucda iyo xerararka caalamiga ah ee duulimadyada maadaama uu diyaradda shidaalku gabaabsi ku ahaa, waxaanay fadhiisteen kowdii habeenimo Ciidamada Baxrayn ayaa garoonka diyaaradaha hareereeyay waxaanay gudaha u soo galeen Madaarka.
Hogaamiyaha Af-duubayasha Kabtan Maxamed ayaa ku hanjabay haddii Ciidamada laga saari waayo garoonka in ay diyaaradda iyo rakaabka saaranba qarxin doonaan, waana laga aqbalay dalabkiisii ciidamadiina waa laga qaaday garoonka, waxaana diyaaraddii loogu shubay shidaal, isla markiina Waxa ay u kicitintay Dubai. Duuliyihii diyaaradda ayaa ku war helay in garoonku uu xidhan yahay oo run-way-gii lagu jaray gawadhida dab-damiska iyo kuwa kale ee ciidamada, shidaalka oo ku yaraa awgeed ugu danbayn codsigoodii waa loo tix geliyay waanay soo cago dhigteen waxay dalbadeen in loo keeno cuntooyin iyo joornaalada soo baxay maalmahan iyo in khashinka diyaaradda laga rogo, wakthigan rakaabaka diyaaradda saaran way niyad jabsanaayeen waxanay ka walaacsanayeen siduu xaalkoodu ku danbayn doono. Sheekh Maxamed Binu Saayid, wasiirkii difaaca ee Imaaraadka ayaa ka dalbaday kooxda afduubayaasha inay sii dayaan rakaabka, dalbkaa way ku gacan saydheen waxaanay ku hanjabeen inay diyaarada qarxin doonaan waxanay dalbadeen in shidaal loogu, mar kale ayaana dalabkoodaasi loo fuliyey.
Intii wada xaajoodku socoday waxa Dubai soo gaadhay Wasiir iyo koryal sare oo ka tirsan Jarmalka waxaanay codsadeen in loo ogolado inay ciidamo la soo galaan dalka si ay u badbadiyaan diyaaradda waana laga ogolaaday. Tababaro dheerad ah oo qaatay 8 saacadood iyadoo ay caawinayan ciidamada gaarka u tababaran ee Ingriiska oo la yidhaa SAS oo ka tirsan ciidamada cirka intii ay ku mashquulsanayeen diyaaradii waxa loo dhamaystiray shidaalkii 12020 Daqiiqo ka dib waxanay u jihaystay dhinacaa iyo Salaalah oo ku taalla dalka Cumaan, Boqortoyada Cumaan ayaa u diiday garoonkooda waxayna u leexdeen caasimadda Yamantii Koonfureed ee Cadan. Afduubkii diyaaraddu wuxuu marayaa Maalintii shanaad adduunka oo dhan baa isku sheegay waxa heegan la geliyay dhammaan madaaradii dunida oo dhan waxa is qabsatay qayalada iyo hadal haynta diyaaraddaasi oo noqotay sheekadii ugu xiisaha iyo xamasada badnayd halka Madaxdii Jarmalka Galbeedna hurdada loo diiday. Waxay soo gaadheen Magalada Cadan ee Caasimadda Yemanta Koonfureed waxaanu duliyihii diyaaradu ku war helay in la xidhay dhabihii diyaaradaha suuro galna aanay ahayn inuu noqdo waxaanu diyaaraddii ku sii dayay jid-cadihii gariir siigo badan oo dadka argagax gelisay ugu danbayn diyaaradii waxay u degetay si nabdoon. ……La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *