Search

Qiimaha Shidaal,Dollarka Iyo Maciishada Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Dadka Danyarta Ah Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Kor U Kacaa

Hargaysa(Foore)-Maalmihii ugu dambeeyey, ayaa waxa Suuqyada magaalooyinka Somaliland uu marba marka ka dambaysa kor u sii kac weyni ku imanayey Shidaalka, Qiimaha Sarifka Lacagaha Kala duwan iyo Maceeshada daruuriga ah, kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshey dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan Somaliland, gaar ahaana dadka danyarta ah, waxaana arrintaasi cabasho xoogan ka muujiyey dadka iyagu ku shaqaysta Baabuurta Tagsiga loo yaqaanno oo sheegay inay qarka u saaranyihiin inay is dhigaan baabuurta, ka dib markii ay sida ay sheegeen ay baabuurtii ku wada filaan waayeen shidaalkii iyo masaariiftoodii.

Sidoo kale waxa isaguna maalmihii ugu dambeeyey uu kor u kac ballaadhani ku imanayey qiimaha sarifka Lacagaha kala duwan, gaar ahaa qiimaha Dollarka, kaas oo hadda maraya meel aad u saray, waxaanay sheegeen sariflayaasha ka ganacsada isku bedelka lacagaha qalaad, inuu hadda qiimaha dollarku marayo meel qaali ah oo uu todobaadkan uu kkor u kacay, waxaanay sheegeen inuu sabaab u yahay lacagta kaashka ah oo suuqa ku soo badatay iyo Dollarkii oo yaraaday, ka dib markii sida ay sheegeen uu Baanku suuqa ku soo dayn waayey dollarkii.
Dhinaca kale qaar ka mid ah dadka ka ganacsada Maceeshada Daruuriga ah, ayaa sheegay inuu dhinacooda saamayn ku yeeshay kor u kaca qiimaha Dollarka, kaas oo ay tilmaameen inay qaar ka mid ah maceeshada ay iibiyaan uu saameeyey, kadibna ay si weyn u dareemeen dadka danyarta ahi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *