Qiimaha Sarifka Lacagta Boqolka Dollarka Oo Suuqyada Hargeysa Ka Maraya Halkii U Saraysay Iyo Fashilka Hayadihii Xukuumada Ee U Xil Saarnaa

Hargeysa, Salaasa, 12 September 2017, (Foore)- Qiimaha Sarifka Lacagta Boqolka Dollar ayaa Suuqyadda Waa weyn ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu kala sarifanayay Shalay Halkii u saraysay,isagoo daqiiqadba daqiiqadda ka dambaysa kor u sii kacaya islamarkaana saamayn iyo Wal wal Culus ku haya Guud ahaan shacabka ku dhaqan Somaliland,waxaana gabi ahaanba meesha ka maqan oo doorkoodii shaqo la laayahay Hay’addihii Dawliga ahaa ee Xukuumadda u qaabilsanaa Xakamaynta iyo maaraynta gad-gadoonka Sixirka Suuqa iyo Sixir bararka naafeeyay Shacabka Reer Somaliland mudadii ay uu hogaanka dalka hayay Mudane Axmed Siilaanyo.
Qiimaha Boqolka Doolar ee lacagta Qalaad ayaa suuqyada Hargeysa shalay lagu kala iibsanayay lacag kor dhaafaysa Illaa halmilyan iyo labaatan kun oo shilinka Somaliland ah iyadoo meelaha qaarna uu ka sareeyay,waxa sidoo kale cirka isku sii shareeraya qiimaha maciishada quutal daruuriga ah,iyadoo mar walba la qaaliyawda Sixirka ama hadba sare u kaca kuyimaada Qiimaha Sarifka Lacagta Doollarka ah. waxa si caadi ah oo aan dhuumasho lahayn Suuqyada Sarifka ee lacagta qalaad lagu kala sarifto ee kuyaala Badhtamaha Suuqyada Hargeysa si caadi ah loogu kala iibsanayay qiimahaasi aan sare ku soo sheegnay Boqolka Dollar waxaanay arintaasi muujiinaysaa inay meesha ka baxday Dadaalkii iyo yididiiladii Xukuumadda iyo Hay’adda qaranka Shaqadani u qaabilsani ku haasaawin jireen Dadka ee ay warbaahinta ka sheegi jireen inay dagaal kula jiraan Doolar qaaliyawga kaasi oo wal wal badan ku haya Shacabka Danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland.
Guud ahaan Nolosha ayaa cidhiidhi sii galaysa Somaliland gaar ahaan waxa uu Sixir bararkani si gaar ah u saameeyay islamarkaana uu wal wal badan ku hayaa shacabka danyarta oo ah dadka ugu badan ee ku dhaqan Caasimada Dalka Somaliland kuwaasi oo aan haysan lacag ku filan oo ay wax ku iibsadaan kadib kor u kac aan caadiga ahayn ee ku yimid Suuqyada dalka wax lagu kala iibsado,waxa sidoo kale wal wal weyn uu soo food saaray dadka Mushaharooyinka ku qaata Shilinka Somaliland,kuwaasi oo inta ay sarifaan kirooyin iyo arimo kale iskaga bixin jiray,waxaanu qiime dhicii ugu culsaa uu marba marka ka dambaysa ku sii dhacayaa Lacagta Shilinka Somaliland oo qarka u saaran in suuqyada qaar isticmaalkeeda la iska joojiyo oo dollar wax lagu kala gato maadaama oo aanu fadhiyin Qiimaha Sarifka Dollarku oo maalin walba sare kac samaynayo.
Hay’addihii u qaabilsanaa Xukuumadda ka war haynta Sixirka Sarifka Suuqa sida wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ayaa hawlgab noqday waxaanay u dhawdahay inuu dalku Xaalado kale oo culus uu waajaho oo ku saabsan dhinaca nolosha oo isbadesha,islamarkaana saamayn ku yeelata guud ahaan deganaanshiyaha Iyo Amniga Guud ee Dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *