BREAKING NEWS
Search

Qeybta Afraad Ee Warbixintii Guddida Daba-Galka Hantida Qaranka- Maanta Iyo Gobolada Togdheer Iyo Saaxil

Xogo Muujinaya Baahiyaha Gaarka Ah Ee Haysta Xafiisyada Gobolada Togdheer Iyo Saaxil

Markii Guddida Dabagalka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranku baadhitaan iyo xog-ururin ku soo sameeyeen Gobolka Sanaag waxa ay safarkoodii ku yimaaddeen Caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco oo ay kulan ballaadhan kula yeesheen Masuuliyiinta heer Gobol iyo Isu-duwayaasha Hay’adaha qaranka iyo Wasaaradaha ee Gobolkaasi.
Guddidu waxa ay safarkodaasi ku yimaadeen Burco 06/10/2015 Waxaanay kulankaasi ku qabteen oo lagu qaabilay xafiiska Dawladda ee Gobolka Togdheer, iyada oo uu halkaasi ku soo dhaweeyey Guddoomiyihii Gobolka ee wakhtigaasi Maxamed Muuse Diiriye.
Kadib soo dhaweyntii Guddoomiyaha Gobolak Togdheer ee wakhtigaasi Maxamed Muuse Diiriye uu ku qaabilay xafiiskiisa Guddidan waxa ujeedada safarkooda halkaasi ka sheegay Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah Guddida Daba-galka iyo Ilaalinta Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ah Guddoomiyihii Guddidaasi ee safarka hogaaminayay.
Intaa kadib Guddidu waxa ay warbixino dhaadheer midmid uga dhagaysteen Isu-duwayaasha Hay’adaha iyo Wasaaradaha qaranka oo halkaasi ka tiriyey warbixino la xidhiidha xaaladda xafiisyadooda, gaadiidka ay ku hawl galaan iyo miisaaniyadda ay ku shaqeeyaan.
Isu-duwayaasha waraysigaasi lala yeeshay waxa ay dhammaayeen 20 isuduwe oo ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala ah:
Dib-udejinta, Biyaha, Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Boosaha, Shaqada & Arrimaha Bulshada, Deegaanka, Warfaafinta, Hay’adda Samafalka, Beeraha, NERAD, Caafimaadka, Maaliyadda, Xannaanada Xoolaha, Dhallinyarada, Warshadaha, Hay’adda Shaqaalaha, Ganacsiga, Caddaaladda iyo Duulista Hawada.
Isuduwayaashani waxa ay ka hadleen Tirada Shaqaalaha Wasaaradaha/Hay’adaha Dawladda, Mushaharka Shaqaalaha, Kharashaadka ay helaan, Xafiisyada iyo gaadiidka ay ku hawl galaan iyo wasaarad walba baahida ay gaarka u qabto.
Tirada Shaqaalaha ee isu-duwayaashu sheegeen waxa ay dhan yihiin wadar ahaan 1726 shaqaale ah oo ay ugu badan yihiin shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada ka hawl gala oo dhan 1,035.
Xaaladda Xafiisyada
9 hay’adood oo ka mid ah wasaaradahan/hay’adahan 20-ka ah ee xogta laga ururiyey ma laha haba yaraatee wax xafiisyo ah oo ay ku hawl galaan. Kuwaasi oo kala ah:
Dibudejinta, Biyaha, Boosaha, NERAD,Dhallinyarada, Waxbarashada, Hay’adda Shaqaalaha, Ganacsiga iyo Caddaaladda.
Gaadiidka:
Shan ka mid ah isu-duwayaasha 20-ka ah ee waraysiga laga qaaday waxa ay sheegeen in aanay gabi ahaanba lahayn gaadiid ay ku hawl galaan oo ay xafiisyadooda kaga shaqeeyaan waxaanay kala yihiin Wasaaradaha: Boosaha, Warfaafinta, Dhallinyarada, Warshadaha iyo waliba Ganacsiga.
Ma jiro kharashaad gaar ah oo ay ku hawl galaan Xarimaha dawladdu marka laga reebo qaddar aad u yar oo wasaaradaha qaar gaadha.
Miisaaniyadda qaranka ee guud Gobolka Togdheer waxa sannadkan ka gaadhay wax ka yar 2.47%.
Gobolka Saaxil
Markii ay guddida Daba-galka iyo Ilaalinta Hantida qaranku ka soo dhammaadeen Gobolka Togdheer waxa ay soo gaadheen oo qiimayntooda ka sii wadeen Gobolka Saaxil iyo Caasimaddiisa Berbera oo ay safarkoodan kus oo gunaanadeen.
Gobolka Saaxil waxa guddida ku soo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Mudane Xaamud oo ahaa maalintaasi ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
Is xaal waraysi guud iyo ujeedada safarka oo ay ka hadleen Xildhibaan Qabile iyo Maxamed Cali Xirsi kadib waxa la gudo galay waraysigii dhabta ahaa ee lagu xog waraysanayay Isu-duwayaasha Wasaaradaha/Hay’adaha qaranka waxaana halkaasi fadhiga ku sugnaa 20 isuduwe.
Isu-duwayaasha Gobolka Saaxil xogta ku bixiyey waxa ay ka kala socdeen:
Wasaaradaha Waxbarashada, Biyaha, Arrimaha Gudaha, Shaqada, Deegaanka, Warfaafinta, Sama-falka, Boosaha, Dhawridda Tayada, Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha, Hawlaha Guud, Diinta, Kalluumaysiga, Macdanta, Qorshaynta, Maaliyadda, Dibudejinta, Ciyaaraha iyo Wasaaradda Beeraha.
Tirada Shaqaalaha dawladda ee Gobolka Saaxil (Wasaaradaha La Waraystay oo Kali Ah) waxa ay dhan yihiin 1,094 (Kun iyo Sagaashan iyo Afar) shaqaale ah. Waxaana ugu shaqaale badan Wasaaradda Waxbarashada oo leh 614, waxaana ku soo xigta Wasaaradda Caafimaadka oo leh 229 shaqaale ah halka ay Wasaaradda Maaliyaddu gobolka Saaxil ku leedahay shaqaale dhan 112 oo ay kaalinta saddexaad ku jirto waxaana ugu shaqaale yar wasaaradda Macdanta, dibudejinta iyo Sama-falka oo leh min hal shaqaale ah oo isuduwe ah.
Gaadiidka:
11 Hay’adood ama Wasaaradood ayaan haba yaraatee lahayn wax gaadiid ah oo ay ku hawl galaan waxaanay kala yihiin: Arimaha Qoyska, Deegaanka, Warfaafinta, Samafalka, Boosaha, Dhawridda Tayada, Kalluumaysiga, Macdanta, Qorshaynta, Dibudejinta, Ciyaaraha iyo Beeraha.
9-ka kale waxa ay leeyihiin gaadiid aad haba yaraadaane.
Dhinaca xafiisyada:
Lix ka mid ah xafiisyada Hay’adahan ayaan lahayn haba yaraatee wax xafiisyo ah.
Miisaaniyadda qaranka Gobolka Saaxil waxa sannadkan ka gaadhay 1.64% miisaaniyada guud ee qaranka.
Dhammaad




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *