BREAKING NEWS
Search

Qaybe Oo Xalka Colaadda Buuhoodle Ku Sheegay Xabbad Joojin Iyo Wada Hadal

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Aadan Qaybe ayaa xukuumadda Somaliland iyo dadweynaha deegaanka Buuhoodle ugu baaqay in xaalad nabad gelyo lagu soo dabaalo deegaankaasi isaga oo ku baaqay in xalak ugu weyn ee uu hayaa tahay nabad iyo xabbad joojin.

Guddoomiyaha hore ee golaha wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ah siyaasi ka soo jeeda deegaanjka Buuhoodle ayaa xusay in aanu dagaal xal ahayn balse wax kasta nabad lagu raadiyo.

Md. Qaybe waxa uu sidan ku sheegay wareysi kooban oo uu xalay khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Foore oo wax ka waydiiyay aragtiidiisa ku aadan colaadda ka taagan deegaanka Buuhoodle iyo guud ahaan gobolada bari ee Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. Isaga oo aad uga gaabsanayay in uu mudane Qaybe hadal kale sii kalo waxa uu si kooban u yidhi: “  Xalku waxa uu ku jiraa Xabbad Joojin Iyo in Nabad Lagu Dhammeeyo. Wax Aan Nabad Ahaynina Xal ma aha”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *