BREAKING NEWS
Search

Qashin Buux Dhaafiyey Cisbitaalka Hargeysa Iyo Bukaan Ka Baxsaday Qaybta Waallida Oo Duntay

Hargeysa (Foore)- Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa buux dhaafiyay Kuusas Qashin ah oo daboolay waadhadh ka mid ah kuwa ku yaalla Qaybta danbe ee bukaanka la dhigo shacabkuna kiraystaan, waxaana sidoo kale dumay qayb ka mid ah Gidaarka Dambe ee Cisbitaalka Waalida kaa soo sababay inay ka baxsadaan Halkaasi tiro ka mid ah dadkii Bukaaka ahaa ee Qaybta Waallida Cisbitaalka Hargeysa lagu baxnaaninayay.
Wariye ka tirsan Wargeyska Foore oo booqday Cisbitaalka Hargeysa ayaa warbixintan inooga diyaariyay: “Cisbtaalka Guud ee Hargeysa Marka aad Afaafka hore ka gashaba waxaa ku beer qaadaya ur aad xun oo ka soo baxaysa Qashin is biirsaday oo marka ay biyaha roobabku ku da’ay qooyeen siifad adag samaynaya. Qashinkan ayaa si baahsan u wada gaadhay gabi ahaanba waadhadhka danbe ee cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaana qashinkan ku dhex jira oo urta badan samaynaya hadhaaga xoolaha hilib ahaanta loo qashay oo inta soo hadhay lagu dhex daadiyay goobahan qashinka sida foosha xun loo dhigay.
Qaar ka mid ah dadka bukaanka la jooga oo aanu kula kulmay cisbitaalka gudihiisa ayaa noo sheegay inay Baqdin ka qabaan in xanuun ka dilaacaan cisbitaalka gudihiisa waxaanay sidoo kale u sheegeen in hawl wadeenada cisbitaalka ay war galiyeen balse aanay wax xil ah iska saarin oo ay ku dhaafeen oo kaliya “Ilaa Agaasimuhuba Wuu Ogyahay Qashinkan Iyo Duruufo Kaleba”.
Lama garanayo sababta masuuliyiinta cisbitaalku u eeganayaan ee ay iskaga guri waayeen qashinkan ilaa heerkaa gaadhay iyadoo la ogyahay in Lacago xad dhaaf ah lagu bixiyo tayaynta cisbitaalka Hargeysa balse ay muuqato in xataa loo quudhi waayay in qashinka laga guro,dhisme lagu kordhiyo iska daayoo.
Dhinaca kale waxaa roobabkii dhawaan Hargeysa ku da’ay ay dumiyeen Gidaarkii danbe ee Qaybta Dhimirka oo ku dhex yaalla cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaana halkaa jaanis ka helay Raxan Dadkii Xanuunka Qabay ahayd oo Halkaasi ku joogay Xadhig la’aan kuwaasi oo markii Gidaarkaasi Dumay baxsaday oo aan la garanayn meel ay jaan iyo cidhib Dhigeen. Gidaarka ku wareegsan cisbitaalka Hargeysa ayaan intii dalka lasoo galay wax dayactir ah lagu samayn waxaanu hada bilaabay in kolba qabcadi soo dhacdo mana muuqato dadaalo lagu bad baadinayo burburkan iyadoo Cisbitaalka Hargeysa yahay muraayadda laga dheehan karo wax qabadka dhinaca caafimaadka ee xukuumadda hada talada haysa.
Wasaarada caafimaadka Somaliland oo waajibaadkeeda wax qabad uu ka mid yahay cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa iyadana waxaa soo food saaray Maamul xumo sababtay in ay xidhiidhka u jaraan hay’adihii wax kala qaban jiray dhinaca caafimaadka taasoo wasaarada caafimaadku u wayday kharashka ay siin lahayd kooxihii ka hawl galayay talaalkii Bishan horaanteedii dalka laga waday iyada oo ay dhacday in qaar ka mid ah hawlwadeenadii Tallaalkaasi waday ay agabkii Tallaalka la baxsadeen markii ay Wasaaradda ka waayeen Lacagtii ay ku shaqaynayeen.
Si kastaba ha ahaatee, cisbitaalka guud ee Hargeysi waxaa uu u baahanyahay gurmad deg deg ah oo shacabka reer Somaliland gaar ahaan reer Hargeysi u fidiyaan sidii qashinkaa looga dhex qaadi lahaa Wadhaadhka bukaanka lagu daaweeyo oo laga wada shaqeeyo sidii cisbitaalku u noqon lahaa goob ka dhawrsan qashin qubka kuna habboon saxada iyo in dadku adeeg caafimaad ka helaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *