BREAKING NEWS
Search

Qas Iyo Jahawareer Maamul Oo Ka Taagan Dekedda Berbera Iyo Maamulka Shirkada Dp-World Ee Xukuumaddu Dekeda Ka Kiraysay Oo Shuruudo Adag Dul Dhigay Ganacsatada Iyo Shaqaalaha

Berbera Isniin, September, 11, 2017 (Foore)– (Foore) – Gabi ahaanba waxa Shalay Aroortii istaag gashay shaqadii Dekeda Berbera iyada oo shirkada Dekeda Maamulkeeda Gacanta Ku haysa ee Xukumada Siilanyo Ka Kireysay Ee DP World amar deg deg ah kusoo rogtay ganacsatada Dekeda Berbera badeecadaha ka cashuura iyo shaqaalohooda, amarkaas oo ah inaanu Dekeda soo gali doonin Qof aan sidanin sharciyada uu ku shaqeeyo oo dhamaysturan iyo Xidhashada Qalab ay Shirkadu Ku sheegtay inuu Badbaadin uyahay dadka Dekeda ka shaqeeya ama ushaqa taga ee Hawluhu ka galaan,Qalabka ayaa ah koofiyad isugu jirta Bir iyo Caag Madaxa la gashanayo Kabo Buudha oo Waaweyn oo ah nooca Loo Yaqaano Qadha Iyo Shaadh dusha Laga xidhanayo oo calaamado dhalaalaya leh.
Qalabkan ayaa dhamaantii waxa Lagu iibinayaa Dekeda Horteeda Waxaana la sheegay inay shirkada DP World dad udhiibatay si ay uga iibiyaan Cidkasta oo damacsan inay Dekeda gasho. Sidoo kale maalintii shalay ayaa waxa la sheegay inaanay shaqo hagaagsani Dekeda ka soconin oo anay khasnada kastamka Berbera wax dakhliya oo badani kusoo xeroonin sababtoo ah ilaa shalay mukhalisiinta Dekeda Badeecadaha ka cashuura iyo ganacsatadaba waxa lagu khasbaayay inay qalabkaas soo xidhaan halka ay Ganacsatada iyo Mukhalisiinta dekeda badeecadaha ka cashuuraa ku doodayaan inaanay qalabkaas ubaahnayn maadama oo aanay iyagu gacanta ka shaqaynin oo qalabkan badbaadad ahina aanu anfac ulahay sidoo kale waxa ay ku doodayaan inaanay goobaha maraakiibta hoostooda ee qalabkani lagaga shaqeeyo iyagu aanay hoos taginba.
Hadaba Ganacsatada Dekeda Berbera Badeecadaha Kala Soo Daga, Wakiilada Maraakiibta Badeecadaha Dekeda Keena Iyo Gaadiidleyd Dekeda Badeecadaha Ka Daabula ayaa shir jaraa’id oo ay shalay qabteen Eedo Culus Ujeediyay Shirkada DP World Ee Dekeda Maamusha ,islamarkaana Baaq Culus oo walaacleh u diray Xukumada Sare Udireen.
Xoghaya Gudida Ganacsatada Berbera Cali jaamac Caraale (Cali Qaran) oo ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Mudaba waxa Berbera ka taagnaa Culays aad u baddan oo dhinaca shaqada ah,Waxaanu ognahay Cabashooyin badan oo kala nooc ah inaanu gudbinay,intaaba waxa lalahaa,waar maxaad umadda ula hadli laadihiin,intaasi waxaanu u tudhaynay in hadalkeenaasi xanaf reebo,halkan waxaa iskugu kaaya keenay badeecadii dekeda iminaysay oo muddo Afar bilood ah Dekeda dhex taala kana bixi Karin la’ sababo shaqo Xumo daraadeed,Waxa la yidhi Guriga Seeska marka la dhigo ayay intiisa kalena dhamaystirantaa, Gurigii oo aan seeskii la dhigin oo Dp-World aanay seeskii wax ka bilaabin ayay doonaysaa inay ruufkii ku horayso,marka laga hadlay Arimaha Safe-tiga, waa marka imkaaniyaadka Dekeda la dhamaystiro,ayaa qofka la odhan karaa birna ku soo shaqo tag hadaad doonto,marka laga yimaado koofiyad,Kabo iyo Garan,Markabkii deg deg loo soo xidho,Deg deg alaabtii loog dejiyo,Wakhtigii loogu talo gala Alaabtu ku baxdo,Deked Culayska laga fududeeyo,Macaadaad ku filan dekeda la keeno”.
Masuul kale oo ka tirsan Ganacsatada ayaa waxa uu yidhi “Anagu qaran dumin mayno, Xukuumadna uma jeedno,Dp-World iyo Horumarka ay Xukuumaddu u egmatayna kama soo horjeedno,Laakiin Badeecadeenii ayaa dekeda taala,Badeecadeenii ayaa la inoo diidan yahay inaynu inagu cashuurano,ama qaadano ama aynu Dekeda ugu tagno,Waxaana la inagu xidhay Shuruudo adag,oo ay ka mid tahay Koofiyad Sodon Dikrii ah,Heer kulkan Berberana waad ogtihiin,iyo Kabo waa weyn oo aynaan qaadi karaynin,markaa Dp-World ma shaqaale ayaynu u nahay inagu,intaaba aynu xidhanee Mushahar ha ina siiso dee,qorina ha inoo dhiibto inagaa cidii ka hortimaadaba ku ridaynee,Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in xalay Dp-World iyo madaxda Gobolku ay u yeedheen Qayb ka mid ah Gannacsatada,waxaanay amar ku soo siiyeen ina la xidho saddexdii shay ee ay ka hadlayeen,wixii aan xidhnaynin saaka Dekeda ma soo gali karaan ayay yidhaahdeen,Saaka Dekedii way xidhan tahay oo Dp-World ayaa xidhay”.
Sikastaba ha ahaatee Dekedii Berbera ayaa ilaa Markay shirkada DP World la wareegtay ayaa waxa soo foodsaaray caqababo waaweyn oo keeni kara inay ka hayaamaan Ganacsatada badeecadaha kala soo daga iyo maraakiibta Waaweyn ee koonteenarada xambaara oo qaarkood hadaba la sheegayo inay ka wareegeen Dekeda Berbera iyaga oo Dekeda Muqdisho badeecadaha udaabula kadib markii dib udhac shaqo iyo shaqo xumo soo food saartay guud ahaan Dekeda Berbera.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *