Qarnigan 21-Aad Iyo Arimaha Islaamka.

Markii uu dhamaadey dagaalkii Qaboobaa, indhaha caalamku waxay iskugu biyo shubteen Bariga dhexe haday tahay Israel iyo falastiin, degaalkii gacanka iyo guud ahaanba gobolka oo arimo badan oo xasaasi ahi ka soconayeen, Maraykanka ayaa isagu marwalba siyaayad laba wajiilayn ah kula macaamilayay wadamada carbeed ee saliida hodanka ku ah.
Marka ay noqoto wadanka Iiraan iyo khilaafka Carbeed wuxuu tageero dhan walba ah siinayay wadamada Carabta isaga oo iska dhigayay inuu xulifo dhow layahay Carabta.

Dhanka kale,isku dhacyada Carabta iyo Israel wuxuu ahaa cadow qarsoon oo gaashaan u ah dhulbaadhsiga xaqdarada ah ee Israel, kadib kacaankii islaamiga ahaa ee ka dhacay wadankaasi Iiraan, wuxu dalkaasi ku talaabsaday horumar xawaare dheer wata, si taa loo joojiyo maraykanku wuxuu aad u ciyaarsiiyay ciraaq oo noqotay dhabbadii loo mari lahaa burbrurinta horumarka farsamo ee Iiraan oo labada dhanba khasaare badani ka soo gaadhey.
Iiraan waxay isku aragtaa dawlad Islaamiya oo xaq ah sida ka muuqata magaceeda oo had iyo jeer loo qoro ‘jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan’ hase ahaatee madaahib Laga isticmaalo badiba wadmada islaamka oo ka soo faracmay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku tilmaama inay gaalo yihiin, arintaas Iiraniyiintu waxay kaga jawaabaan inay tahay mu’aamarado dabada ku haysa xeelado sahnuuniyadu rabto inay Islaamka u kala dhig dhigaan firqooyin isku cadow ah oo mid walba waji gaara lagula macaamilo si ay u fushadaan danahooda meeshana uuga saaraan caqabad kasta oo u muuqatay inay dhisto umad baraarugsan.

11kii September 2011 waxaa dhacay weeraro ismiidaamina oo lala beegsay xarumihii ganacsiga ee Newyork iyo wasaarada gashaandhiga ee maraykanka, dhamaan dadka fuliyay waxay ahaayeen muwadiniin sucuudiyaana oo iyaga laftigoodu ahaa by-product ama natiijo dulka socod ah oo kasoo xaasishay siyaasadaha ku danaysiga ah ee maraykan kula macaamilo Islaamka iyo soo dhawaynta marba cida uu danta ku wato maraykanku.
Kooxahan ayaan iyagu intabadan samir u yeelanin in la dhiso bulsho leh xirfado lagu samaysto wax u cuntama in lagu dagaal gali karo. Marka ay ka fursan waydo, taas oo keentay in si sahlan loo bur buriyo xukuumadii Daalibaan ee hoyga u ahayd Alqaacida sikastaba ahaatee,lamatirsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee gaadhey dadka reer Afganistan oo warbixinaha qaar ku tilmaamaan dhowr boqol oo kun oo ruux inay ku naf waayeen.
Dhinaca isbahaysiga Maraykanka waxaa lagu sheegaa ilaa 4000 oo askari inay kaga dhinteen oo la sheego inay ilaa 2000 American ahaayeen. Inkastoon xog dhab ah laga hayn balse wakhtigaa maraykanku wuxuu shaaciyay go’aano loogu gogol xaadhayo dagaal lagu qaado Wadama badan oo islaam ah oo somaliya ku jirtay.
20kii march 2003 waxaa bilaabmay duunlaankii Ciraaq si baalmarsan dhamaan shuruucdii Qaramada midoobay u dagsanaa, kadib markii wadamo Golaha Amaanka ee rigliga ahi ku hanjabeen Inay veto saari doonan, waala qabsaday ciraaq si khayraadkeeda sidii ladoono loo maamusho
Balse waxaa kasii xumayd khasaaraha nafeed ee soo gaadhay wadanka Ciraaq oo lagu qiyaaso inuu gaadhayay ilaa labamilyan iyo lababoqol oo kun.
Wadamo carbeed ayaa bixiyay saldhigyada lagaga duulayay wadanka Ciraaq oo qaarkood dekanooyin ka sheeganayeen Ciraaq iyo maamulkii Saddam Xusein, islamarkaana maraykanku abaal hore uga sheegtay si uu danihiisa uga fusho garabna ka helo waxaanu usoo jeediyay mahadnaq ilaa xad ah Si uu maskaxdooda uga daboolo arxandarada iyo dulmiga uu u gaysanayay walalahooda Carbeed.
Taa ka sokaw, waxaa kawaanka saaran dawlada Islaamiga ah ee Iiraan oo ah dawdada ugu awooda Badan dawladaha Islaamka. Barnamijkeeda khilaafka badan dhaliyay ee Nugliyeerka ayaa wadamada gobolka ee muslimka ah laga dhaadhiciyay mid khatar ku ah jiritaankooda, dagaalna lala galo
Iiraan ayaa lagu macneeyay mid ka waji duwan kuwii wadamadii hore ee Islaamka ahaa ee iyaga laga takhalusay, hadaan la’iska horeysiin carabta gobalka si la isugu mashquuliyo islaamka koox koox iraan waxay ku guulaysatay inay jamacadeheega ka soo saarto kacaanyahano Layimid tignolojiyad casri ah oo keenay farsamaynto gantaalo rido dhaadheer,diyaradaha aan cidi wadin
ee xaga militariga, diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca, lidka difaaca diyaaradaha oo u dhigma gantaalaha Ruushka ee loo yaqaan S300 ee dhinaca difaaca hawada.
Iiraan waxay isu muujisay inay tahay quwad caalamiya oo hadii la bartilmaameedsado qaadi karta weeraro rogaal celisa oo sababi kara khasaare balaadhan haday tahay Israel oo cadaawad xumi ka dhaxayso iyo danaha iyo saldhigyada maraykanku ku leeyay gobolka khasatan xidhitaanka gacanka hormuz kaasi oo muhiim u ah saldhigyadiisa iyo saliida uu ka dal dasho Carabta waxa kale oo ka dhalan karta qulqulato dhaqaale oo saamaysa guud ahaan caalamka.
Xisbulah oo ah jabhad reer lubnaana waa jabhad laga turjunto saamaynta iyo awooda sii koraysa ee Iiraan kadib wajigabaxii Israel kala kulantay dagaalkii ay lagashay Julay 2006kii kaas oo Israel khasab kaga dhigay inay qoorta hoos usoo laad laadiso miiska wada xajoodkana la fadhiisato koox ay u aminsanayd argagixiso aan lala fadhisan Karin oo ay aaminsanayd in xidida loo saaro.
Dadka ka faalaooda arimaha dagaalada waxay hoosta ka xariiqaan in Israel lagu fashiliyay dagalkaas,
Kacdoonka carabta
Dabayaaqadii 2011kii waxaa dunida Carabta ka bilaabmay kacdoonki loogu magac daray “Arab sprin” kaas oo xukunka ka tuuray kalidiitaliyeyaal Carbeed oo sanado badan xoog ku haystay wadamaday ka talinayeen, hase ahaatee arinta Suuriya ayaa daba dheeratey iyadoo laga horjoogsaday banaysashada duullaano iyo faragalino mileteri oo lamid ah kii reer galbeedku ku burburiyeen dawladii qadaafi oo kale, hase ahaatee Russia iyo China oo leh awooda Veto-ga ayaa dhawr jeer ku kala kiciyay qorsha yaashaasi, Iiraan ayaa iyana dhankeeda laaqaysa arimaha Suuriya
Si ay meesha ugu hayso xukuumada Assad oo saxiib dhow iyo marinba u ahaa danihii iyo xidhiidhkii ay la lahayd Xisbulaha oo noqday falaadh ku taagan Israel,
Suuriya waxay noqotay kubad la isku laad laagayo oo dhextaala tiiman faro badan oo dano kala wada duwan leh kooxaha ku hirdamaya ayaa dhan walba lagu eedeyaa inay soo kiraystaan ciyaartooy meelo kala duwan kasoo kala jeeda,
Maraykanka iyo xulafadiisa ayay laba daran mid dooro ku noqotey kooxaha xag jirka ah ee ay dirirtu kala dhaxayso iyo Russia, Iiraan iyo waliba libaaxa amusan ee China oo jaalanji ama caqabad joogto ah ku haya danaha iyo amar ku taaglayntiisa, qaaradaha caalamka waxaa uu doorbiday inuu taageero cadowgiisii si loo yareeyo khatarta Israel ka gam’i laadahay ee Iiraan oo ku socota inay noqoto quwad xawli ku koraysa oo saamaynteeda gobolka ku sii balaadhinaysa.
Israel waxay dhowr jeer isku dayday in arintaasi caalamku militari ku xaliyo kadib cuno qabatynihii lagu soo rogayay oo umuuqda qaar aan sababayn waxyeeladii la rabay waxay marar doora ku hanjabtey inay keligeed qaadayso weeraro lagu bartilmaameedsanyo goobaha nuklearka ee Iiraan khubarada dagaalka ayaa uga digey israiiliyiinta khatarta iyo halisaha ka dhalan kara, maadaama Jawaabta laga filan karo Iiraan ay tahay mid ka baxsan wax qiyaas lagu soo koobi karo dhanka kale goobaha nukliyeerka lagu farsameeyo oo iyaguna aad u tiro badan oo qaarkood dhul ka hoostiisa ku jiraan ay aad u adagtahay waxyeelada laga filankaro inay gaadhaan hadana qaanuunka uyaala qaramada midoobay ayaa mamnuucaya dagaal noocaas ahi inuu xad gudub ku yahay karaamada qaran madax banaan banaynaysana jawaabkasta oo laga filankaro sahalna ka dhigi kara qiilka ay ku samaysan karto atomic bomb.

By:abdihakem mah,oud qoys
Business consultant and freelance
Commentator on Islamic issues

Email: cxqoys@hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *