Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Kismaayo Goor Dhawayd

Kismaayo (Foore)-Wararka ana ka helayno magaalada kismaanyo ayaa sheegaya in msuul ka tirsan maamulka KMG ah ee ka arimiya magalada kismanyo lala eegtay qarax xoogan oo laga maqlay guud ahan magalada Kismaanyo,

qaraxaan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso isla markaana meelaha fog fog laga hago ayaa lagu aasay xafada layidhaahdo faanoole waxaana lala eegtay gaariga uu watay mas’uulkani xili uu marayay afaafka hore ee masaajidka xaaji jaamac.

Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan Surf ee uu watay mas’uulkaan iyo ciidankii la socday ayaan wax qasaare ah ka so gaarin sida la sheegay maadaama uu gaardhigu si xawaare ah uga gudbay goobta lagu aasay miinada.

qaraxaan ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray gabadh yar oo ka ag dhaweyd goobta miinada lagu aasay taas oo markii danbana loola cararay isbitaalka guud ee magaalada kismaayo.

wararku waxay intaasi ku darayaan in wakhti yar kadib ay ciidamada kenya iyo kuwa somalida soo gaareen goobta qaruxu ka dhacay waxayna gudaha u galeen masajaidka xaaji jaamac oo aktiisa qaruxu ka dhacay.

Ciidamada ayaa masajidka gudihiisa ka sooo qabtay ilaa lix ruux kuwaas oo ay ku tuhmayeen in ay ka danbeeyeen qaraxa waloow aysn sheegin sababta ay ugu tuhmeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *