Qarax Ka Dhacay Guri Ku Yaala Magalada Buula Barde Iyo Saamaynta Uu Yeeshay Qaraxaasi

Buula barde (Foore)-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan,kaasi oo ka dhacay guri ku yaala degmaasi,kaasi oo baqdin geliyay dadka ku dhaqan Buulobarde.

Dadka deegaanka oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu diyaarinayay xaafada October ee degmada Buulobarde,waxaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta laga warqabo 15 askar oo Alshabaab ah ayaa ku dhintay qaraxa,waxaana wararka qar ay sheegayaan in dhaawacyo kale ay jiraan inkastoo warar rasmi ah aan laga haynin.

Dadka deegaanka waxaa ay sidoo kale ku waramayaan in qaraxa uu ahaa mid lagu diyaarinayay gaari,halka wararka kale ay sheegayaan in lagu Diyaarinayay mid ka mid ah guryaha ku yaal xaafada October ee degmadaasi.

Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay ALshabaab degmada,labo todobaad ka hor sidaan oo kale qarax ay ku dhinteen Alshabaab ayaa ka dhacay degmada,wallow qaraxaan uu ahaa midkii ugu badnaa oo Alshabaab ay kudhintaan




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *