BREAKING NEWS
Search

Qaramada Midoobay Oo Saanaddii Hubka Ahayd Ee Ugu Horraysay U Soo Diraysa Soomaaliya

Dooxa (Foore) Xilli Dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay U Codeeyeen in Laga qaado Soomaaliya Xayiraaddii Hubka ee Saarnayd tan iyo 92-kii ayaa waxa ay Dowladda Soomaaliya Lagu War geliyay in ay Heslayaan markii ugu Horeysay Shixnad Hubka Fud Fudud ah taasi oo Qaramada Midoobay ay siineyso Dawladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa dalab soo noq noqday ku sheegtay in ay U baahantahay in La Xoojiyo Ciidamadeeda si ay ula dagaalamaan Kooxaha Xidhiidhka La leh Al Qaacida ee Ku sugan Soomaaliya sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Dhawr Jeer uu sheegay. Iyadoo Caalamku ay ka warqabaan Xaaladaha Soomaaliya ayaa Markan waxaa si Tijaabo ah loogu gacan Gelin doonaa hub fud fudud kaasi oo caddeyn doona sida Dawladdua Taagta daran ee Muqdisho Fadhidaa u Maamuli doonto Hubkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Caalamku ay si dhow u daawan doonaan sida Soomaaliya ay U Maamusho hubka Loo Gacan geliyo sida ay wax u Xakameyn Doonto iyo Ciidamadeedu sida ay Noqon doonaan balse waxa walaac laga qabaa in xukuumaddiisu awood u yeelan doonto xakamaynta hubkaasi. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Dooxa Qadar ayaa waxa uu sheegay Markii uu soo Idlaaday Kulan Jaamacadda Carabtu in Dawladdiisu ay Ka go’atahay dib u dhiska iyo ilaalinta Hubka La siiyo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka Kale Caalamka ka codsaday in Loo baahanyahay 450 Million oo dollarka Maraykanka ah si wax Loogu qabto Mashruucyo Lagu Horumarinayo buu Yidhi 72 Degmo oo La doonayo in Lagaga hortago dhibaatooyinka ka Jira sida Budhcad badeeda isla markaana Lagu kabayo dhaqaalaha Degmooyinkaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *