Qalliinkii Cuslaa Ee Beerka Lagaga Baddalay Cabdilaahi Yuusuf, Dhakhtarkii Qalay Iyo Xaaladdiisii Wakhtigii Qalliinka – Q:92aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 92aad

Dabadeed shaqadoodii bay bilaabeen, waxaa miyir iigu danbaysay markii la igu dhuftay irbadii suuxisada ahayd, aniga oo albaabka qolkii aan ku jiray la iga sii saarayo, 7:00 fiidnimo qaliinkiibaa la bilaabay kaas oo soconayay muddo 8 saac ah, waana lagu guulaystay, markii dhakhtaradii xaqiiqsadeen in beerku si fiican u shaqaynayo bay I geeyeen meesha dadka koomada ku jira la geeyo (Intensive Care Unit), oo dhulka hooostiisa ah, halkaas oo dhakhaatiirta mooyee aan cid kale iigu Iman Karin, subaxdii sagaalkii barqanimo baan soo baraarugay oo aan indhaha soo kala qaaday, meel I xanuunasaana ma aysan jirin, mana dareemin, sanka labadiisa dul baa tuunbooyin igaga jireen, caloosha meesha feedhuhu ku dhamaadaanaa tuunbo kale baa igaga jirtay, ibtana sidoo kale tuunbo kale baa igaga jirtay, hadba jidhkayga meel baan taabtaa mise waxbaaba igaga dhagan meel kasta, dhinaca midigtayda waxaa jiifay nin cadaan ah oo isna xalay wadnaha laga qalay kaas oo aan qayladiisa ka seexan waayay.
Isla barqanamidii waxaa ii soo galay Prof Dr Roger Williams iyo gabadh dhakhtarad ah oo la socotay, waxay arkeen in aan soo jeedo, dhakhtarku wuxuu I waydiiyay in jaann garanayo iyo in kale, ma aanan hadli Karin base madaxa ayaan ruxay taas oo aan ula jiieday in aanan garanayo, qalin iyo buug buu ii dhiibay wuxuuna igu yidhi waxaad qortaa magacayga, waan qoray dabadeedna waan u ceshay, dhaktarkii gabadjhhii buu eegay oo ku yidhi deg deg buu u soo kabtay, waana ninkii u horeeyay ee beerka laga badalay oo muddo degdeg ah ku soo kabtay, gabadhii buu u sheegay hawsha loo baahan yahay in la iga qabto, inta uu isagu subaxda ku soo noqonayo, eheladii ka soo war sugaysay xaaladayda buu markii uu sii dhaafaayay u sheegay in aan fiicanahay oo ay laba laba qof iigu soo booqan karaan.
Waxaa ii soo galay Xaawa Cabdi Samatar oo afadayda ah iyo Yaasiin Afdheere oo dadkiii u sheegay in ay I booqan karaan, markii dadkii soo galeen baan gacanta u ruxay, waxayna qaarkood yidhaahden walaahi waa noolyahay waana fiican yahay, su’aalo bay qaarkood I weydiiyeen waanan uga jawaabay, maalmahaas cunto la ima siin oo faleebo ayaa I quudinaysay, subaxdii labaad saddexdii saac ee barqanimo waxaa ii yimid Prof Dr Williams iyo dhakhtaradii la socotay, waraysi ka dibna waxay igu amreen in aan soo socdo oo aanan iska jiif jiifin, wuxuuna amar ku bixiyey in maalin kasta la ii sameeyo jimicsi iyo masaaajo, kadib kalkaaliye baa ii yimid oo muddo nus saac ah baan lugaynayay, isla maalintaas qol rasmi ah baa la I geeyay oo meeshii hoose waa la iga saaray, Prof Dr Roger Williams wuxuu igu yidhi hadii xaalkaagu sidan ku sii socdo muddo 15 cisho gudahood ah waad kaga baxaysaa dhakhtarka, wuxuuna ii qoray dawadii aan qaadan lahaa, waxaa kale oo isla maalintaas ii yimid dhakhtar la yidhaahdo Dr Heating oo ii shegay in uu yahay ninkii I qalay oo beerka iga badalay, wuxuuna igu yidhi ‘’Waad I weydiin kartaa hadii ay jiraan wax su’aalo ah oo aad qabtid,’’ mudadii 15ka cisho ee aan cusbitaalka jiifay waxaa inta badan ila joogay oo wehel ii ahaa Cabdilaahi Maxamuud Maxamed Farabadane (Cabdilahi Dheere).
Subaxdii 15aad ee aan qalnaa baa waxaa ii yimid Prof Sr Williams iyo dhakhtarad la socotay, waxay iga waraysteen sida itaalkaygu yahay markii ay I dhagaaysteen waxay ii sheegeen in aan maanta ka baxayo cusbitaalka, waxay amreen in kalkaaliye guriga iigu yimaado oo uu dawada I siiyo ilaa inta aan ka baranayo sida dawada loo qaato, waxa kale oo ay ii sheegeen in aanan London ka bixi Karin muddo saddecx bilood ah, waxaana degay guri ay leedahay gabadh la yidhaahdo Faadumo Dhooqa-Ruug oo ku yaala xaafada Camden meel u dhaw saldigga tareenbada ee Kings Cross, mudadii aan gurigaas joogay waxaan galabtii ku lugayn jiray beerta Camden, waxaa ila lugayn jiray Cabdule Qoryoliqe, Yaasiin Afdheere, Xusseen Cali Saylaan, Cabdilcasiis Farabadane, Cabdirashiid Qoor, Eng Maxamed Cali Maad, iyo dhalinyaro kale, saddex bilood ka dib baan dhakhtarkii ku noqday, waana la I baadhay, waxaana la ii sheegay in aan fiicanahay oo aan safri karo balse in aan lix bilood kasta London baadhitaan u imaado. ….La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *