Search

Qaar Ka Tirsan Shirkadihii Xukuumaddu La Doonaysay Inay Ku Wareejiso Haamaha Shidaalka Berbera Oo Go’aan Geesinimo Leh Qaatay,Kana Baxaya Heshiiskii.

Berbera(Foore) – Qaar ka tirsan Shirkadihii ugu tunka waynaa ee Xukuumaddu Heshiiska kula gashay inay ku wareejiso Haamaha Keydka Shidaalka Berbera ayaa la sheegay inay ka baxeen heshiiskii ay Xukuumadda la galeen kadib markii ay soo foodsaartay Cabsi ku aadan Ganacsigoo,waxaana la sheegay in arintaasi ay Xukuumaddu aad uga xumaatay islamarkaana Masuuliyiintii Xukuumadda ee Hawshaasi u xilsaarnaa ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u soo ladqabayn lahaayeen shirkadahaasi go’aanka adag qaatay.
Sida ilo wareedyo soo gaadhay Xalay Wargeyska Foore ay noo xaqiijiyeen,Qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka soo waarida ee Waddaniga ah ee Xukuumaddu la doonaysay inay ku Wareejiso Haamaha Shidaalka Keydka Berbera ayaa la sheegay inay dib uga noqdeen heshiiskii kadib markii ay ka walaaceen Buuqa xoogan ee ka dhashay iyo Hanjbaabadaha dadka shacabka ah Xukuumadda uga imanaya. Sida warbixinta Foore soo gaadhay lagu sheegay,waxa Todobaadkan shirar gooni gooni ah iskugu yimid Wakiiladda iyo mulkiilayaasha shirkadahani Haamaha lagu wareejinayay,waxaanay qaar ka mid ah Shirkaduhu walaac ka muujiyeen Buuqa ka dhashay Mashruucii ay Xukuumadda la wadeen,waxa kale oo ay soo qaadeen gacan ka hadalkii dhex maray Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ay ku sheegeen inay sabab u yihiin Muranka Haamaha shidaalku.
Waxa warkan lagu sheegay in doodo iyo araaro ay Masuuliyiinta shirkadahani isku wadaarsadeen kulamadaasi ay aakhirkii qaar ka mid ah shirkadu soo jeediyeen inaanay jeclanayn inay dalka u horseedaan Fawdo iyo buuq dhiig ku daato,waxa kale oo ay ku ka xumaadeen hanaanka Xukuumaddu u martay Haamaha Shidaalka ee ay u buun buunisay ee ay dadka iskugu kicisay halkii ay kalsoonida Shacabka taageero uga raadin lahayd Wax ay ugu yeedheen Dayactirista Haamaha Keydka Berbera oo ay ku sheegeen inay lacag badani ku baxayso Hagaajintooda iyo dayactirkooda.
Dhinaca kale Masuuliyiinta ama Mukhalasiinta dilaalka u ah Xukuumadda ee soo dejiyay qorshahan Haamaha Lagu iibinayo ayaa ku mashquulsan sidii ay Shirkadahaasi oo ilaa Saddex shirkadood ka kooban ugu qancin lahaayeen inay ka noqdaan go’aankooda ay ku qaadaceen inay sii wadaan heshiiskii Haamaha Shidaalka Berbera ee ay Xukuumadda la galayeen,Waxay Xukuumaddu Guclo orod ugu jirtaa inaanay Masuuliyiintaasi shirduhu ee ka soo horjeestay qorshaha Xukuuumaddu bulshada iyo Axsaabta Mucaaridka u gudbin Warbixintooda ay ku sababeeyeen inaanay marnaba dalka u horseedayn Fawdo iyo Dagaal dhiig ku daato,Arintaasi oo waji gabax ku ridaysa Xukuumadda oo dagaal culus u gashay sidii ay qorshaheeda u meel marin lahayd.
Warar kale ayaa sheegaya in Shirkadahan go’aanka Geesinimada leh qaatay hore si dadban looga sii wacyigaliyay inay ka dheeraadaan Haamaha shidaalka berbera oo arintoodu gaadhay meel xun oo suurtagal ay tahay in hadii la sii wado ay dalka u horseedi karto khal khal siyaadeed oo hor leh oo aan la damin Karin. Shirkadahan qaadacay heshiiskii Haamaha shidaalka Berbera ayaa ku balamay inay go’aankoodu ku dhawaaqaan Marka Xajka laga soo noqdo maadaama ay qaar ka mid ah Mulkiilayaasha shirkaduhu ku maqan yihiin Waajibaadka Xajka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *