BREAKING NEWS
Search

Qaar Ka Mida Culimada Dalka Oo Walaac Ka Muujiyey Qaybo Ka Mid Ah Kutubta Manhajka Cusub Ee Xukuumaddu Soo Daabacday Kana Digay Muran Dhinaca Firqooyinka Ah

“Kutubta Aannu Qabanay Waxa Aannu Ku Wadnaa Baadhis Waxaana Nasiib Daro Ah In Manhajka Lagu Soo Daro Aragtiyaha Ay Wahaabiyadu Ka Qabaan Gawraca Iyo Siyaarooyinka”..Sheekh Reer Gabiley Ah

Hargeysa (Foore)- Qaar ka mid ah Culimada Gobolka Gabilay ayaa walaac weyn ka muujiyey wax ay ku sheegeen in uu dhalin karo khilaaf diini ah oo ka dhalan kara casharro ku jira buugaagta diiniga ah ee Manhajka cuusb ee dhawaan xukuumaddu soo daabacday oo ay ku tilmaameen kuwo ay door weyn ku lahaayeen wax ay ugu yeedheen wadaadada wahaabiyada ahi sida ay hadalka u dhigeen.
Mid ka mid ah culimada Magaalada Gabilay oo ka hadlay walaaca ay qabaan waxa uu yahay ayaa sheegay in ay muddoba daraasad ku wadeen qaybo ka mid ah buugaagta manhajka cusub ee dhawaan xukuumaddu dalka u soo daabacday walise aan ka hir gelin dugsiyada dawladda kuwaasu oo ay ku sheegeen in ay ku qoran yihiin casharro dhalin kara dhibaato xagga fidno diineed ah oo ay ku baaqeen in degdeg wax looga qabto inta aanay xaajadu faraha ka bixin iyada oo sheekhaasi aan arrinkan wax ka waydiinay ku tiraabay in buugaagtaasi qaarkood dhigayaan arrimo muran ku jiro oo ay culimada islaamku ku kala qaybsan yihiin sida gawraca, qabashada siyaarooyinka iyo arrimo kale oo uu ku sheegay in ay sii hurin karaan kala aragti duwanaanshaha culimada isaga oo sheegay in manhajkaasi ay u arkaan in dhiniciisa diinta ay wax badan oo saamayn ah ku leeyihiin wadaaddo uu ku sheegay wahaabiyo ama wadaada yaryar ee ku xidhan dalka Sucuudiga.
Sheekh ka mid ah culimada Magaalada Gabilay oo aannu arrinkan wax ka waydiinay ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah kutubtaasi manhajka cusub ee ay ka dayriyeen u dhiibeen culimo ay sheegeen in ay soo daraasaynayaan maalmaha soo socdana ay soo ban dhigi doonaan oo warbaahinta iyo umadda hor keeni doonaan waxa ay ku dhaliilsan yihiin waxaanu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya yidhi: “Manhajkaasi Culimo ayaan u dhiibnay oo soo akhirinaysa, Dhinaca Caqiidada oo dhan ayaa Manhajkan Kansal ah oo tii WAHAABIYADA ah, Markaa dhawaan ayaan iyadoo Maqal iyo Muuqaal ah aannu soo bandhigaynaa. Caqiidadu Illaahay Aqoonsigiisa weeyaan, Illaahay Waxaan ahayn in la cabaadu iskuma hayno, waynu naqaanaa, Waxaa ka mid ah Qaladaadka ama arrimaha muranka dhalin kara ee Manhajkan ku jira Hadii Nin kuu soo hoydo Saaxiibkaa ah ama aad jeceshahay oo aad u qasho Neef, Karaamayn aad karaamaysay Awgeed ,Waa shirki ayay leeyihiin, Iyadoo Maqal iyo Muuqaal ah ayaanu ku soo badhigi, Si dadku wax ugu qaato, Waxaynu qaadan karno maaha in la yidhaahdo Waa Xaraan Siyaarooyinka Awawyaasheen iyo Aabbayaasheen aan u qabanaa” ayuu hadalkiisa ku soo koobay masuulkan aanu magaciisa u qarinay illaa inta uu soo ban dhigayo arrinkaasi oo uu toos u shaacinayo.
Ma aha markii ugu horraysay ee ay culimada hore iyo kuwa dambe ku kala aragti duwanaadaan arrimo badan oo dhinaca shareecada ah balse waxa ay tani noqon doontaa mid saamaynteeda leh maadaama ay culimadaasi hore qaar ka mid ahi ka dareen celiyeen saluug ay ka muujiyeen manhajka cusub ee dhawaan xukuumaddu soo daabacday ee la filayo in lagu baddalo kii hore ee ay ardaydu ku qaadan jireen dugsiyada xukuumadda iyo intood badan dugsiyada manhajka xukuumadda ka qaata balse gaarka loo leeyahay, waxaana mudan in xukuumadda iyo gaar ahaan wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ka hawl gasho in ay meesha ka saarto dhammaan wixii madmadaw keeni kara ama abuuri kara muran kooxeed oo dhinaca diinta ah. Xukuumadda ayaa looga baahan yahay in ay dareen dhugmo leh ku eegto xaaladdaha noocan oo kale ah khilaaf dhalin kara.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *