Qaar Ka Mid Ah Culimada Reer Hargeysa Oo Gudida Doorash-ooyinka U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Qaabka Xisbiyaddu U Ololaynayaan

Hargeysa, 30 October, 2017- (Foore)- Qaar ka mid ah Culimo Awdiinka Hargeysa ayaa shalay u gudbiyay Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Qodoba ay kaga dayriyeen Qaabka ay u ololaynayaan Axsaabta siyaasadu,Waxa ay u soo jeediyeen Gudida Komishanku inay Soo gaabiyaan wakhtiga ay u qoondeeyay ololaha ee 21-ka Cisho ah,waxaanay ku sababeeyaan fasahaad iyo Fisqi ka dhashay banaan baxyada ay Taageerayaasha Xisbiyaddu dhigaan,waxa kale oo ay kula taliyeen inay daacadnimada ku dadaalaan.
Kulankan oo ay Culimo Awdiinka iyo Gudida Komishanka Doorashooyinku ku yeesheen Xarunta Gudida Komishanka ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo ku dhex sugnaa Taliyayaasha ama madaxda Ciidanka Bilayska Somaliland,Waxaanay Culimadu kulankaasi ka akhriyeen Qodobo ay sheegeen inay u arkaan nasteexo diini ah,waxaana ka mid ahaa kuwan:
1- In la soo gaabiyo ololaha Qaabkan ah,intaasna lagu joojiyo,sidaana Bulshada lagu wargeliyo,Xisbiyadduna ay aqbalaan,si loo yareeyo fasaadkan socda,Loogana hortago dhib ka iman karta.
2- Haddii aanay taasi suurtagal ahayn waa in Isku soo baxa lagu soo koobo Marba Gobolka uu joogu Murashaxa maalintaas uleh,Gobolada kalena ay ka nastaan.
3- In Xisbiyadda lagu qanciyo in Ololaha Noocan ah ku badelaan Qaabab kale,oo ay Fariimahooda u gaadhsiin karaan Taageerayaashooda,sida inay garoomo loo asdeeyay kula hadlaan taageerayaashooda,maalmo loo Xadiday. Sidoo kale waxa halkaasi hadalka kasii qaatay Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Reer Hargeysa, waxaana uu yidhi “Waanu ognahay inay dastuurka ku qoran tahay in 21-maalmood la ololeeyo,laakiin haddii Kaambaynkeenii qaloocday,dee Haddaan la rog-roggin ragbaan helin,Waxaynu u baahanhay inaynu xagga kale uga wareegno”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Sheekh Xassan Cabdisalaan.
Waxa isaguna hadalka qaatay Sheekh Ismaacil dheeg oo isna ka mid ah Culimada Dalka Somaliland gaar ahaan Culimada caanka ka ah Magaaladda Hargeysa,waxaana uu yidhi “Waxaanu jecelnahay Illaahay-na inaad la kaashataan,Cadaaladana inaad ilaalisaan,haddaad Cadaaladda illaalisaan idina Geesiyaal ayuunbaydin noqon, go’aankiinana waydin ku kalsoonaan”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Sheekh Ismaaciil Dheeg.
Waxa Makrafoonka kala wareegay Gudoomiyaha Gudida Komishan Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan waxaana uu yidhi “Xagayaga Hadii ay tahay tii amaanadda,iyo haddii ay tahay tii farsamada,labadiiba waanu dhamaystirnay,Markaas horta taas waad ku calool fayoobaanaysaan,Wax xagayaga ka soo noqonayaa majiraan,Maanta waa hal far iyo hal qof”. Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *