Search

Qaar Ka Mid Ah Carabta Yurub Gashay Oo Uga Yaacday Suuriya Iyo Ciraaq Xukunno Adag Oo Ay Ku Soo Roggeen Kooxda Daacish Cabista Sigaarka Iyo Salaadda.

Yurub(Baarcadeeye) – Qaar ka mid ah dadyawga Carbeed ee Suuriya Iyo Ciraaq ka qaxay ee Qaarada Yurub galay ayaa ka sheekeeyay arimo badan oo horseed u ah qixitaankooda iyo xukunno adaga oo ay kooxda Daacish ku soo rogtay qofka ay ku qabtaan Salaad la’aan iyo qofka ay ku qabtaan isagoo sigaar cabaya,arimahaasi oo ay ka soo saareen Xukunno addag oo ay marsiinayaan doonaan dadkaasi ,waxaana ugu badan dadkaasi xamili waayay kuwa balwada leh ee sigaarka cabi jiray oo horseed ka ah dadka qaxay.
Shacab tira badan una badan dadyoow Carab ah ayaa maalmahaan dambe ku soo qul qulaya wadamada Yurub balse qaarkood ayaa isku dhiibay oo sheegay in Daacish ay qasho qofkii Salaada tukan waayo,sidoo kalena ay xukun adag ku soo rogtay qofka isna Lagu qabto isagoo sigaar Qiijinaya,waxaana ay sheegeen in waliba ay faraha ka jaraan ruuxii Siigaarka cabo .
Qaxootigaan Carbeed oo u badan dad ka soo Qaxay colaada ka holcaysa dalka Suuriya ayaa waxaa la rumeeysan yahay inay isku soo dhex qariyaan dadyoow kale oo Carbeed kuwaas oo wadamo nabad ah ka soo haajiray balse sheegta inay yihiin Suuriyaan . ururka Daacish ayaa wal wal wayn ku haya caalamka wakhtigan waxaana laga argagaxsan yahay ficilada iyo Xukunadda ad-adag ee ay ku soo fulinayaa dadka shacabka ah,kuwaasi oo aan waxba galabsan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *