Search

Qaar Ka Mid Ah Carabta Yurub Gashay Oo Uga Yaacday Suuriya Iyo Ciraaq Xukunno Adag Oo Ay Ku Soo Roggeen Kooxda Daacish Cabista Sigaarka Iyo Salaadda.W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qeexitaanka Cilmaaniyadda.
Kelmada ah cilmaaniyad waxa si toos ah looga turjumay ereyga (Secularism) ereygan oo isna laga soo dheegtay ereyga laatiiniga ah ee (Saeculem) oo macnihiisu yahay jiil ama qarni. Qaamuuska Oxford-ku waxa uu kelmedan Cilmaaniyada (Secularism) ku qeexayaa in ay tahay:
Arrimo la xidhiidha maslaxada dunida oo keliya
Baaq lagu doonaya in noolaha lagu maamulo cilmi la dejiyey iyo caqliga. dadkana laga fogeeyo arrimaha diinta.
Cilmaaniyadu waxa ay dunida reer galbeedka ka soo shaac-baxday qarnigii 17aad ilaa qarnigii sagaal iyo tobnaadna waxa ay ku faaftay wadamo badan oo bariga dhexe ku yaal oo ay ugu horeeyaan, Masar, Turkiga, Iiraan, Lubnaan, Suuriya iyo wadamo kale oo badan.
Baaderiyada iyo aqoonyahannada reer galbeedka waxa dhawr qarni ka dhex-socday loollan nuxurkiisu ahaa in diinta iyo maamulka la kala saaro. Baaderiyadu waxa ay doonayeen in diinta lagu xukumo dawladaha, halka aqoonyahannaduna doonayeen in la kala saaro diinta iyo maamulka. Kacaankii warshadaha ee ka hanaqaaday yurub intii u dhexaysay 1760-kii ilaa 1860-kii waxbaa is-bedelay, oo waxa toos u guulaystay fikirkii aqoonyahannada ee ahaa in la kala saaro diinta iyo maamulka dawladaha. Halkaasina waxa ka soo mudh-baxay in maamulka dawladaha ay hogaamiyaan aqoonyahannadu, oo kiniisaduhu diintooda ku eekaadaan. Wixii ka dambeeyey heshiiskaasi waxa dhashay nidaamka cilmaaniyadda ee afka qalaad loogu yeedho” Secularism” oo ku dhisan in uu qof kastaa si xor ah xakame la’aan u fikiro, diintana ka fogaado, una dhaqmo xishood la’aan sida xoolaha, naftana si xorriyad ah looga haqabtiro wax kasta oo ay jeclaato “Free Life”. Hanaqaadkii nidaamka cilmaaniga waxa hareer socotay diin la’aan ku baahday dadkii rumeysnaa diinta Kiristaanka. Nidaamka cilmaaniyadu markuu si fiican u hirgelay, laguna tallaabsaday hourmarkii kacaankii warshadaha, bulshada reer galbeedka waa la-dhalanrogay oo waxa laga dhaadhiciyey diintu in ay tahay dib-u-dhaca oo aanay la jaanqaadi Karin hourmrka iyo ilbaxnimada sebenkan cusub, ka dibna sidii la doono ayaa loo maamulay. Ka dib diintii Masiixiga waxa lagu sameeyey is-bedel weyn, waxaana la soo saaray kitaab cusub” New Testament Bible” waxa kale oo la qorsheeyey in halkii qarni la sameeyo is-bedel la jaanqaadi kara waayaha dunida iyo dabeecadaha bulshada reer galbeedka. Hase yeeshee diinta islaamku waxa ay aaminsantahay in qofka muslimka ah dhammaantiiba uu ilaahay leeyahay sida ku cad aayada 162 ee suuratul Ancaam.
Dr. Yuusuf Al Qardaawi ayaa yidhi “Haddii la kala saaro danaha dadka iyo diinta, diintu waxa ay yeelan doontaa dad masaajidada fadhiya oo aan kaalin ku yeelan bulshada iyo dawladaba, sidaasina waa sida Kiristaan. islaamku umuu soo degin sidaasi”.

Aragtiyo faro badan oo kala duwan ayey aaminsan yihiin dadka cilmaaniyiinta ahi. Bal aan eegno kuwan hoose:
• Qayb ka mid ahi waxa ay diidan yihiin jiritaanka ilaahay
• Qaybo kalena Ilaahay way rumaysan yihiin, laakiin waxa ay aaminsan yihin in aanay wax xidhiidh ahi ka dhexayn illaahay iyo noolaha.
• Waxa kale oo ay aamisnan yihiin in la kala saaro diinta iyo nolosha, noloshana lagu dhiso caqli cilmi iyo tijaabooyin
• In lagu dhaqmo mabda loo yaqaan (Pragmatism) oo ay yidhaahdaaan waa aragti ku habboon dhamaan qaybaha nolosha.
Saamaynta Cilmaaniyadu Ku Yeelatay Diinta Kiristaanka
Sidii ay cilmaaniyadu ugu durkaysay diintii kiristaanka ee kolba tiir loo bedelayey, waxa ay diintii kiristaanku ku dambaysay qodobadan hoos ku qoran:
 Sahan lagu tirokoobay gaboodfalkii ay la kulmeen ardayda dhigata dugsiyada kaniisadda ee loo tababaro in ay noqdaan xerta Baaderiga weyn, 80% iyagoo tiiraanyeysan waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay Baaderiyadu faraxumeeyeen yaraantoodii.
 Diin la’aan darted sida xoolaha ayaa loo dhaqmay waxaana laga tegay guurkii oo waxa lagu bedelay isla-noolaahso la macna ah dhilleysi ka mid noqday nolol maalimeedka bulshada.
 Diin la’aan baahday ka dib dalalka reer galbeedku waxa ay dib u soo nooleeyeen dhaqan xumadii lagu halaagay qowmkii Nebi Luud” SC”. Kiniisad ku taala dalka Denmarki qaybteed lagu magacaabo “ Lutheran” ayaa markii ugu horaysay sharciyeysay guurka lammaane isku jinsi ah. Taasi oo nuxurkeedu yahay in laba nin is-khaniisaan amma laba naagood is-fara-fareeyaan.
 Xaalku meel fool-xun ayuu ku biyo-shubtay, olole socday muddo sannado ah ka dib, waxa la arkay Baaderi Khaniis ah” Gay Bishop” in uu madax ka noqdo Kiniisadda, loona aqoonsado weli-karaameysan oo xidhiidhiya Alle iyo adoomadiisa, waana diin la’aan iyo dadnimo la’aan tii ugu weynayd ee abid la arko. Nin dabadiisa xafidi waayey in diin madax looga dhigo waa mucjiso maanka fayow diidaan yahay. Sidoo kale heerkaasi waxa si ka sii xun gaadhay diinta yuhuudda oo maant magac ahaan u jirta, balse aan lagu dhaqmin.
Nidaamka cilmaaniga in kastuu dadka ka fogeeyey barashada iyo ku dhaqanka diinta Kiristaanka, haddana weli waxa jira dad aaminsan in aan ilaahayba jirin. Horaantii qarnigii 20aad waxa yurubta bari iyo dalal kala ka hirgalay nidaamka Shuuciyada oo diidan jiritaanka Alle”SWT”. Marka la qiimeeyo nuxurka nidaamkaasi wuxuu u eeg-yahay diin shaydaan ku soo dejiyey Rusushiisa MARK iyo LINEN. Shuuciyada ayaa ka weli-cas nidaamka cilmaaniyadda.

Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com
la Soco Qaybaha Dambe………………………………………………………..




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *