BREAKING NEWS
Search

Qaadkii Hawadayga Ahaa Ee Beeraha Oromada Ka Soo Gu’i Jiray Oo Shalay Si Rasmi Ah Gaadiid Lagu Soo Galiyay Gudaha Somaliland

Hargeysa, Sept, 23, 2017- (Foore) – Qaadkii ka soo gu’i jiray Beeraha Hawaday ee Dalka Itoobiya ee loo soo iib keeni jiray Dalka Somaliland ayaa shalay markii u horaysay si rasmi ah gaadiid dhulka la soo maray lagu soo galiyay Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland,kadib muddo Laba todobaad ku dhaw oo aanu soo galin Somaliland,arimo la xidhiidha Xasuuqii Qoomiyadda Oromadu u gaysatay Dadkii Soomaalida ahaa ee Magaaladda Hawaday ku sugnaa oo ay kujireen abaanada Qaadka uga wakiilka ahaa Shirkada qaadka keena Somaliland.
Tan iyo Xasuuqii foosha Xumaa ee 13-kii Bishan aan ku jirno ay Qoomiyadda Oromaddu ugaysatay dadkii maganta u ahaa ee arimaha gacansi u joogay Magaaladda Hawaday oo ah saalayda Qaadka Itoobiya ee Somaliland loo iibkeeno oo Saamayn ku yeeshay Qaadkii la keeni jiray Somaliland ayaa waxa shalay si ramsi Dhawr iyo toban gaadhi oo qaadka Hawadayga ah Gaadiid ku keenay Magaalada Hargeysa Shirkada Caanka ah ee Qaadka ka shaqaysa ee 571-ka,waxaanu qaadkaasi sida ay noo xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadku uu soo maray Kastamka Wayn ee Galbeedka ee Magaaladda Kalabaydh ee Gobolka Gabiley kuyaala,Halkaasi oo aanu wax qaadi ahi ka soo degin muddo 9 maalmood ah oo ka soo wareegtay maalintii Dadka badan ee aan waxba galabsan dhegta dhiiga loogu daray Magaaladda Hawaday,dadkaasi oo ay kujireen Ganacsato qaadka u soo waaridi jirtay Somaliland.
Colaadaasi ka dhacday Magaaladda Hawaday ee Dalka Itoobiya ee Dadka Soomaalida ah ee Reer Somaliland u badnaa lagu xasuuqay ayaa saamayn dhaqaale oo dhinacyo badan taabanaysa ka abuurtay Somaliland,Waxa uu hoos u dhac weyni ku yimid Dakhli cashuureedkii uga soo xeroon jiray Dawlada Somaliland Kastamka Kalabaydh ee uu qaadka ugu badani soo mari jiray kadib markii uu xidhmay islamarkaana uu si caadi ah u istaagay Qaadkii Hawadayga ahaa ee Somaliland uga iman jiray dhinaca Deegaanka Qoomiyadda Oramada Itoobiya oo beeraha Qaadka Somaliland loo iibkeenaa kuyaaliin. Waxa kale oo uu xidhiidhka Xumaaday ee Somaliland iyo Oramo saamayn xoogleh kuyeeshay dhinaca Suuqa Khudaarta maadaama oo khudaar badan oo Suuqyada Hargeysa lagu iibin jiray ay si toos ah uga iman jirtay Dalka Itoobiya gaar ahaan Deegaanka ay Oramadu degto,waxaana ka mid ahaa waxyaabaha suuqyada Hargeysa laga waayay ee arintani saamaynta kuyeelatay BARADHA,waxaana dhacday in gabi ahaanba suuqyada Hargeysa laga waayo Baradha.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay xalay ayaa noo xaqiiiyay in soo laabashada xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Oramadu uu ka yimid xidhiidh wada hadal oo
Hoose oo la qaraniyo oo dhex maray Somaliland Iyo Ismaamulka Oromada Itoobiya kaasi oo maalmihii u dambeeyay la hadal hayay. Warar kale ayaa sheegaya in qaadka shalay la keenay Hargeysa ay keli ah keentay Shirkada Caanka ah ee Qaadka ka shaqaysay ee 571-Ka Oo sida la ogyahay awood badan ku dhex leh Gudaha Dalka Itoobiya.
Maanta ayaa la filayaa inuu Qaadkaasi si rasmi ah Somaliland Xagga dhuka uga soo galo sidii Caadada ahayd islamarkaana ay Meesha ka baxdo Qaad waaggii dishootay Ehlu Mirqaanka oo muddo laba todobaad ku dhaw miyirku ka maqnaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *