Search

Puntland Oo Xabsiga Dhigtay Mid Ka Mid Ah Qaadhaan Ururiyayaasha SSC

Boosaaso (Foore)-  Maamul goboleedka Puntland ayaa shalay madaarka magaalo xeebeedda Boosaaso ku qabtay Mid ka mid ah ragga u dhaqdhaqaaqa kooxda fidno walayaasha ah ee SSC, oo damacsanaa in uu ka qayb galo shir la sheegay in ay qaban qaabinayaan kooxaha nabad diidka ah ee colaadda ka dhex wada beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Sool ee jamhuuriyadda Somaliland.

Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Tabaatiig oo ka mid ah qurbo-joogta reer Sool isla-markaana Guddoomiye u ah koox sheegata in ay yihiin SSC-da dalka Kuwayt horena Maleeshiyada hubaysan ee SSC ugu soo ururin jiray dhaqaalaha ayay ciidamada amaanka ee Madaarka Badar-Qaasim ee magaalada Boosaaso ku qabteen, kana qaadeen waraaqihii socdaalka.

Ninkan oo dalka Kuwayt uga yimid inuu ka qayb-galo shir lagu sheegay ergooyin beesha reer Laascaanood ahi dabayaaqada bishan December ku qabanayaan degmada Taleex ayaa la sheegay inuu ilaa hadda ku xidhan yahay Madaarka Boosaaso.

Ilaa wakhtigan lama oga sababta ninkan ciidamada Puntland u qabteen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani hore Maamulkaasi Puntland uga aflagaadeeyay warbaahinta, xadhigiisuna taasi jawaab u yahay. iyada oo muddo dhawayd xukuumadda Puntland si rasmi ah u mamnuucday ururka SSC oo ay ku sheegeen in halis nabad gelyo ku yahay maamulkooda.

Wararka laga helayo madaarka Boosaaso ayaa sheegaya inay jiraan siyaasiyiin kale oo taageerta kooxda nabad diidka ah ee SSC oo lagu daba jiro lan adoonayo in la qabqabto hadii ay soo caga dhigtaan deegaanka Puntland.

Maamul goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeeda qabsoomida shir loogu magac daray Khaatumo 2 oo ay u arkaan inuu yahay mid u janjeedha dhinaca Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *