Search

Puntland Iyo Muqdisho Oo Qarka U Saaran In Ay Kala Gurtaan Iyo Garoowe Oo Mudaharaad Gilgilay

Garoowe (Foore)- Iyada oo ay maalmihii ugu dambeeyey isa soo tarayaan khilaafka soo kala dhex galay maamulada Garoowe iyo Muqdisho ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ayaa waxa shalay Mudaharaad weyni gilgilay magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad-goboleedka Puntland, mudaharaadkaasi oo lagaga soo horjeeday masuuliyiinta Villa Soomaaliya.
Waxaa shalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ka dhacay Bannaanbax lagaga soo horjeeday Maamulka sheegta Federaalka ee aan awoodiisu dhaafsiisnayn Villa Soomaaliya iyo Shirka kasocda Magaalada Cadaado ee lagu dhisayo Maamulka Galmudug. Banaanbaxa shalay ka dhacay Caasimada Maamulka Puntland waxaa kasoo qeyb galay Duqa Degmada Garoowe, Kan Gobolka Mudug, Nabadoono iyo shacabka ku dhaqan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garoowe. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/llaahi Ciise Aw Axmed oo ka hadlay Bannaanbaxa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku fashilantay siyaasadda Dalka, waxaa uu ku eedeeyay in Gobolada Dhaxe ay kawado Nidaam horseedaya Dagaal sokeeye, waxaanu intaa raaciyay in ay kasoo horjeedaan Shirka Cadaado kasocda. Dadka dhigayay Banaanbaxa shalay ka dhacay Garoowe ayaa watay boodhadh ay ku sawirnaayeen Sawirada Madaxweynaha Villa Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari, waxaana boodhadhkaasi lagu dul qoray ereyo ay kamid ahaayeen ”Qabiil Doone Xasan Sheekh , iyo Qaran Dumis Jawaari’. Puntland ayaa si weyn waxa ay uga soo horjeedaa Dastuurka ay asnsixyeen Ergaydii shirka ka qeyb galeysay oo dhigeysay in xuduudda Maamulka Galmudug uu noqonayo Gobolka Nugaal, halka Puntland iyadu ay dooneyso in maamulkaasi uu noqdo gobol iyo bar uuna ku ekaado Koonfurta Gaalkacyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *