BREAKING NEWS
Search

Paul Pogba Vs Henderson, Joel Matip Vs Zlatan Ibrahimovic Iyo Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Liverpool Vs Manchster United Kulankooda La Sugayo Maanta

Waxaa caawa la ciyaari doonaa kulanka ugu weyn ee horyaalka ingiriiska iyadoo labada koox ee Liverpool iyo Man United ay isku qaban doonaa garoonka Anfield ee magaalada Liverpool, hadaba halkee ayeey ku kala adkaan karaan labada koox ? warbixintaan ayaan ku eegi doonaa.

Jordan Henderson VS Paul Pogba

Labada koox ee ugu guulaha badna England ayaa fiirin doona qaab ciyaareedka xidigahooda khadka dhexe iyadoo xidiga aduunka ugu qaalisan uu rajeyn doono inuu dhinac isaga riixo kabtanka dhiirogashan ee Reds.

Liverpool ayaay wadata weerar duulaan ah laakin Henderson ayaa ah mashiinka ka danbeeya Philippe Coutinho, Roberto Firmino iyo Sadio Mane isagoo u ogolaanaya iney ku raaxeystaan kubada wuxuuna kabtanka Liverpool ilaa haatan sameeyay taabashooyinka ugu badan ee kubada dhamaan ciyaartooyda Epl (711) iyo baasaska ugu badan (589) wuxuuna kulan waliba ordaa 11.8km taasoo muujineysa shaqadiisa adag.

Dhanka Pogba, waxaa wali la sugaya isku dayadiisii faraha badnaa inkastoo haatan uu sameeyay 21 as (kaliya Zlatan Ibrahimovic ayaa ka badna u sameeyay United) laakin kaliya shan ayaa helay ujeedkoodii, si kasto bandhigisii kulankii Amsterdam uu guusha ku gaarsiiyay Fr Liverpool.ance ayaa ah mid walwal galin kara Liverpool

Labada xidig ayaa si bilaash ah ku yimid labadooda koox waxayna xili horeba kamid yihiin xidigaha ugu muhiimsan kooxahooda.
Daafaca Cameroon ayaa kasoo kacay dhaawac uu ku seegay kulamadii ugu horeeyay ee kooxdiisa wuxuuna ku dadaali doonaa inuu sii dheereeyo rikoorka ay kooxdiisa ka heysato joog dheeraha Sweden oo 4 kulan uu ka horyimid aan wax gool ah ka dhalin kooxda Reds.

Dhanka Zlatan, kadib 5 gool uu bileedkowgii xili ciyaareedka u dhaliyay kooxdiisa inta badan waxaa yareyd saameyntiisa goosha horteeda inkastoo uu sameeyay hal abuur fiican waxaana gool uu kooxda kaga dhaliyo Epl ugu dnabeysay kulankii Manchster Derby inkastoo uu shabaqa soo taabtay kulankii Zorya ee Europa League, si kasto Zlatan o ah ciyaariyahan kulan weyn ayaa isku dayi doona inuu ka baxo abaarta ka heysata Reds.

Daafaca Liverpool ayaa goolasha ugu badan laga dhaliyay marka la eego 10 ka koox ee ugu sareysa premier league
Coutinho, Firmino iyo Mane Vs Herrera iyo Daafacyada United.

Sadexda kubada sameeyey ee Reds ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyagoona si talan taali ah isu weydaarsaday boosaska iyagoo kaga mahadcelinaya xawaarahooda dheereeya, waxay ka hor tagi doonaan burburiyaha kooxda United Ander Herrera iyo waliba labada daafac dhexe ee Erick Baily iyo Smalling oo ay kaabayaan Valencia iyo Daley Blind.

Marcus Rashford Vs James Milner

Marcus Rashford ayaa garabka bidix u baneyn doona Anthony Martial taasoo ka dhigan inuu ka ciyaari doono garabka midig isagoona si toos ah kaga hor imaan doona daafaca sida ku meel gaarka ah u jooga ee James Milner kaasoo buuxinaya booskii uu ku fashilmay Alberto Moreno.

Orodka Rashford iyo aragtida dheer ee Milner ayaa ah mid daawasho u baahan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *